|

Maalinta Saxaafada Soomaaliya oo Bossaso laga xusay.

Bossaso (MMedia) Iyadoo Maalintii shalay ee 21 Bisha Jan ay ahayd maalinta Saxaafada soomaaliya lagana Xusay magaalooyin dhawr ah oo kamida soomaaliya sida Muqadishu iyo Garowe ayaa waxaa maanta laga xusay Magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari.

Munaasabad Balaaran oo siwayn loosoo agaasimaya laguna xusayay Maalinta Saxaafada Somalia ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka Punt land ayna kamid ahaayeen Madaxda Wasaarada Warfaafinta ee Gobolka Bari uuna horkacayay Agaasimaha Wasaarada Mudane: Maxamuud Warsame Fuube iyo khuburo dhanka Saxaafda ah iyo sidoo kale Bahda Saxaafda ee Bossaso.

Ugu horayn waxaa daaha ka rogay Munaasabada Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta ee Gobolka Bari Maxamuud Warsame Fuube waxaa uuna sheegay in maalintii shalay ay ahayd maalin qiima wayn kuleh laabaha bahda saxaafada gaara ahaana kuwa soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ahalkaasi hadal qiima badan sakoo jeediyay Maxamed Siciid Kaashawiito oo kamid ah asaasayaasha saxaafada Puntland gaar ahaan gobolka Bari waxaa uuna ku dheeraaday hadalka isagoo sheegay in bahda saxaafada ee wakhtigaan ay khaladaad badan galaan taasina ay ugu wacantahay inaysan tababar dhanka saxaafada ah soo qaadan markii ay saxafada kusoo biirayeen.

Isagoo hadalkiisa sii wadata ayaa waxaa uu tilmaamay in waayihii ay dawlada soomaaliya dhisnayd loo furi jiray bahda saxafada tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo islamarkaana loo iftiimin jiray ujeedka dhabtaa ee saxaafada.

Munaasabadaani oo hadalo badan lagasoo jeediyay ayaa waxaa ka hadlay Sh.C/razaaq Xuseen Ciise oo sheegay in bahda warbaahinta ay mudan tahay inay ka shaqeeyaan arimaha bulshada iyo waliba barnaajyada diiniga ah.

Sikastaba ha ahaatee Munaasabadaani ayaa waxaa ay imaanaysaa xili maalintii lasoo dhaafay laga xusay qaar kamida magaaloyinka Somalia Maalinta Saxaafada Soomaaliya.

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed