|

Al-shabaab oo xaqiijisay Geerida Bilaal Al-Barjaawi(Dhaqayso)

Play

Muqadishu(MMedia) Afhayeenka Al-shabaab Sh.cali dheera ayaa waxaa uu xaqiijiyay in uu geeriyooday Bilaal Al-Barjaawi.

Duqayn shalay Muqdisho ka dhacaday ayaa waxaa ku geeriyooday hogaamiye lagu magacaabayay Bilaal Al-Barwaaji oo gudaha soomaaliya yimid sanadii 2006,isagoo ka bar bar dagaalami jiray Ururkii maxkamadaha iyo ilaa hada dagalada ka socda Gudaha dalka somaliya.

Afhayeenka mujaahidiinta Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri mar uu ka dalayay dilka Bilaal Al-Barqaawi”dadka muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan ay u tahay kudayasho wadada ay mareen Walaalkii shalay shihiiday ee Al-barjaawi iyo ku wii ka horeeyay oo ay kamid ahaayeen Saalax Nabhaan iyo Macalin Aadan xaashi Ceyrow”.

Bilaal Al-Barjaawi nin see ah ayuu ahaa waxaa wax ka qoray websityada taabacsan Al-shabaab waxaana kan qoraalkoodii:-

Al-Muhaajir Ashahiid Bi’idnillaah Bilaal Al-Barjaawi waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada Muslimiinta ee daafaha kala duwan ee Caalamka isaga yimid si ay u nusreeyaan Walaalahooda Soomaaliyeed ee Cadowgu isku soo baheystay, Shahiidka Allah ka aqbalee waxa uu kasoo jeeday dalka Lubnaan, balse waxa uu heystay dhalashada dalka Ingiriiska oo uu ku dhashay.

Bartamihii Sanadkii 2006 ayuu soo gaaray dalka Soomaaliya, xilligaasi oo qeybo badan oo dalka ka tirsan ay maamulayeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee bur buray, waxaana Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali dheere uu sheegay in Shahiid Barjaawi Allah ka aqbalee uu ka mid ahaa dhallinyaradii ugu horreeyay ee ajiibtay baaqa Jihaadka ee dhulka Ardul Hijrateyn kasoo yeeray, isagoona tan iyo markaas ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Mujaahidiinta Soomaaliya Sheykh Cali dheere ayaa sheegay in Camalka Jihaadka ee ka socda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan Caalamka oo dhan inuusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Istishhaadka Qaa’id ama Askari ka mid ah Ciidamada Mujaahidiinta, balse Jihaadka uu yahay Cibaado, islamarkaana uu taagnaan doono illaa maalinta Yomul Qiyaamaha.

Dalka Soomaaliya waxaa horey ugu Shahiiday oo diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Kirishtaanka Mareykanka ay u duqeeyeen Al-qaa’id Saalax Nabhaani oo ahaa Walaal Muhaajir Kenyaan ah, inkastoo dilkiisa ay guul gacan ku sameys ah ka dhigteen Mareykanka iyo Xulafadiisa, haddana kuma joogsan dagaalka Jihaadka ah sida ay iyagu ku taamayeen, waxaana Gaalada lagu yaqaanaa in marka ay dilaan hogaamiye ka mid ah Mujaahidiinta inay ku faanaan oo ay guul sheegtaan, lkin ma oga in Jihaadka uusan sidaas ku joogsaneynin, waxaana arrintaasi tusaale nooga filan Istishhaadkii Sheykh Usaama Bin Laadin iyo wixii ka dambeeyay.

Maakhir Media Office News In Somalia

Comments are closed