|

Madaxda al-shabaab oo ku kalaboodey dilka sarkaalkii katirsana alqa’ida Bilaal,oo lagu diley duqeyn diyaradaha ancidi wadin.

NAIROBI(MMEDIA)waxaa soobaxaya wararka sheegaya inay jiraan kala aragti duwanansho sookala dhexgalay madaxda xarakadda alshabaab kadib dilkii loogaystey hogamiye katirsan hogaamiyasha ajinabiga kusugan gudaha dalka soomaaliya.

Kullan aan caadi ahayn ayaa waxay shalay galab laba dhinac ay ku yeesheen Deegaanka Laanta Buuro, oo u dhaxeysa
Degmada Afgooye iyo Garoonka Diyuradaha ee Nambar Konton
“50km” ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada dhinac ayaa waxay marka hore ay isaga tacsiyadeeyeen geerida Bilaal Albarjawi , waxaana taasi xigtay in labada dhinac ay iska wareystaan qaabka uu u dhacay dilkiisa, waxayse labada dhinac ay isu waafaqeyn in dilkiisi aygeysten diyuradaha aan duuliyaha laheyn ee loo-yaqaano
Drone-ka fuliyen.

Laakiin waxa lasheegay inay kadib sheekada xumaatay markii Saraakiisha Ajaaniibta aydalbaden in Saraakiisha Somalidu ay cadeyaan, ciddii basaastay Bilaal Albarjaawi, iyagoo ku doodaaya in ninkaasi
la-basaasay.

Garabka Soomaalida oo uu hogaaminaayay Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab
Sheekh Cali maxamud Raage”Sheekh Cali Dheere”, ayaa
wuxuu si weyn uu uga carooday hadalka ka soo yeeray raggaasi.

Hase yeeshee xiisadda oo meel cakiran gaartay, ayaa waxaa
Sheekh Cali Dheere loo-sheegay in uu isagu uu kadambeyay
dilka Bilaal Albarjaawi oo ahaa masuul katir san xarakadda shabab, haddii kale
uu si deg deg ah uu ku keeno raggii basaasay Bilaal.

Wararka ayaa waxa aysheegayan inay taasi keentay khilaf aad uxoog badan oo sookala dhex galay madaxda xarakada alshabaab,ayagoona qeyb kamid ah ay sheegen inay dilka gacan kageysten qaar kamid ah shabaab.

Wararka hoose ee laga helayo siyasada ayaa sheegaysa inay siweyn arintani uga kalaboodeen, waxana afhayeenka xarada shababul mujahidinta dusha looga turay dilka hogaamiyaha alqaacida Bilaal.

Sikastaba arintani ayaa ah mid aysan wali shaacin madaxa al-shabaaab.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Networ Office Nairobi.

Comments are closed