|

Nin ajnabi ah oo lagu afduubtay Magaalada Gaalkacyo.

Galkacyo(MMedia) Wararka laga helayo Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in nin ajnabi ah lagu afduubtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ninkaani Ajnabigaa ee lagu afduubtay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inay afduubteen rag hubaysan Nuur Xasan Cabdi oo kamida Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay inuu arkay rag hubaysan oo ku hareeraysan gaari cad oo uu watay ninka ajnabiga ah in yar kadibna ay kala bexeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo oo kutaal Xuduuda Punt land iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amaanka lidi ku ah.

Mikamida Wakaaldaha wararka ayaa waxaa lagu dabacay in wasiir kamida wasiirada Maamulka Galmudug oo Magisiica aan shaacin inuu yiri ninka la afduubtay waxaa uu ahaa Engineerkii uu yimid inuu hagaajiyo Dakada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Sikastaba ha ahaatee maahan markii ugu horaysay oo ajnabi lagu afduubto Gobolka Mudug oo mudooyin badan ayay soo laalaabatay taasina waxaa ay marag utahay Amni darada kajirta Gobolka.

Cabdiraxmaan Sanka.

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed