|

Siminaar kusaabsan Maalgashiga Islaamka oo Bossaso ka furmay.

Siminaarkaan oo lagu baranayo ilaa iyo mudo labo maalmood ah laguna baranayo Maalgashiga Islaamka Ayaa waxaa uu maanta ka furmay Hoolka Shirarka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Punt land.

Munaasabadii lagu furayay siminaarkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Ganacsato iyo waliba Maamulka Bangiga Dahabshiil.

Siminaarkaan oo ay iskusoo duba rideen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Bangiga Dahabshiil ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Gudoomiye kuxigeen labaad ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac waxaana uu sheegay in Tababarkaan ama Siminaarkaani uu yahay mid muhiin u ah ganacsatada uuna uga mahadcelinayo Bangiga Dahabshiil sida uu udardar galinyo Maalgashiga Islaamiga ah ee uu waayahaan waday isagoona ugu baaqay inay xooga saaraan sidii ay ay horumarka iyo arimaha bulshada uga shaqeyn lahaayeen.

Yaasiin Xaaji Cabdilaahi oo ah Maamulaha Bangiga Dabashiil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada ugu weyni ee siminaarka ay tahay sidii ganacsatada loogu dhiiri gelin lahaa inay maal gashi samaystaan loona fahansiin lahaa adeegyada uu bangigu qabanayo.

Waxaa uuna intaasi ku daray inay yihiin kuwo aanan Bankigu keligiis ribix ama dheeraad uusan ku dooneyn balse ay bulshada oo dhan dani ugu jirto.

Siminaarkaana ayaa waxaa uu noqonaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay soo qaban qaabiyaan ama ay isak kaa shadaan Rugta Ganacsiga Iyo Bangiga Dabashill.

Cabdiraxmaan Sanka.

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed