Ururka qurba joogta warbaahinta oo siweyn ugu hadlay tacdiyada lagulakaco warbaahinta iyo saxafiinta soomaliyeed.
NAIROBI(MMEDIA) Waxay siweyn loga xusay meelo badan oo kamid ah aduunka 21-ka oo ah malinta saxaafada somaliyed, waxana loogahadlay tacyida iyo, dhibka aytobankisano ee ugu danbeeyey logaystey saxaafada somalia.
Xaflado kala duwan oo meel aduunka ah laga dhigay ayaa lagu xusay maalinta saxafada soomaliyed, iyo dhibta joogtada ah ee loogaysto wariyaasha somaliyed taasi oo dilkii ugu danbeeyey ahaa dilki wariye c/salan xiss alah ha’unaxariste.
magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya waxaa lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu maamuusayo maalinta warbaahinta Somalia taa oo ay ka soo qeyb galeen Sxufiyiin, Aqonyanaho, Siyaasiyiin waliba qeybaha kala gadisan ee ururada Somaliyed.
Xafada ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Wariyaasha Qurba joogta Soomaliyeed ee ku sugan dalka Kenya ayadoona dhamaan kasoo qeyb galayaasha looga sheekeeyay taariikhda warbaahinta Soomaaliyee gaar ahaan iyo dhibka aysoomartay iyo sida isugu xirnankarto saxaafada iyo bahda wariyasha.
Xaflada oo kadhacday xafada 12-ka gar ahaan hoolka Madina Mall ayaa waxa gobta qudbado kajeediyey dhaman intabadan kasoqeyb galayaashi iyo masuulinta gobta joogey waxayna siweyn uwada canbareeyeen tacdiya iyo dilalka arxan xumada ee lagula kaco warbaahinta, waxayna sheegen inay wada garow sadeen dhibka saxafinta lakulman intabadan.
Malinta warbaahinta soomaaliyeed oo siweyn looga xusay meelo badan oo kamid ah soomaliyag, ayaa lagu sooqaday dilalkii ugu danbeyey ee kadhacay gudaha dalka taasi oo lagu lakacay warbaahinta.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network
