|

Mudaharaad Sababay Dhimasho iyo Dhawac oo ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool+Sawiro

Laascano-MMedia-Mudaharaad aad u balan oo ka dhacay magaaalada Laascaanood oo gaystay Dhimasho iyo dhawac kaasi oo ay shacabka reer sool ka dhigayeen bartamaha magalaada .

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaano ayaa sheegay in 3 Qof ay ku dhinteen halka 4 kalena ay ku dhawacmeen kadib markii ciidmada Somaliland ay Rasaas ooda kaga qaadeen shacabkii mudarada yaya  dadka dhawacmaya aya loo qaaday Cisbitaalada Magaalada.

Dadkan mudaharaadayay oo taageerayay Maamul Goboleedka Khaatumo kaasi oo ay bartamaha magaaalada ka dhigayeen  si ay u muujiyaan taageeridooda ,sidoo kalena ciidamada ayaa ka hortagay banaabaxaasi si ay u damiyaan waxaan ciidanka iyo shacabki banaanbaxay dhex maray Rasaas  iyo dhagax isla markaaana ay dadkan ku dhinteen kuwa kalen ku dhawacmeen.

Waa mudaharaadkii labaad ee ka  dhaca magaalada laascaanood ee lagu Taageerayo Maamulka Khaatumo  iyadoo kan kii ka horeeyay ay ku dhawacmel 2 kamida shacabki banaabaxayay  ciidamada Somaaliland ay diidan yihiin Mudaharaadyadaasi.

Maakhir Media Laascaano.

Comments are closed