|

Al-Shabaab oo Guula ka sheegatay Dagaalkii Shalay ka dhacay Muqdisho+Dhagayso

Play

Muqdisho-MMedia-Afhayeenka ciidmada Al-Shabaab oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciimada AMISOM iyo DKMG ay soo qadeen  duulaan iyagoo iskaashanaya ay kasoo weerar tageen wadada Warshadaha afar jidna ay kusoo baxeen, waxaana uu sheegay in 3 ka mid ah wadooyinkii ay kusoo baxeen ay jareen midka kalana ay ku gaareen Qabuurihii Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho, waxaana uu intaasi raaciyay in dagaal ay la galeen ciidamadaasi ay kaga dileen askar ka kala tirsan ciidamada iyo AMISOM oo ay ku jiraan Saraakiil labo ka mid ah gaadiidka dagaalkana ay ku gubeen.

Cabdicasiis Abu muscab oo ah afahyeenka ayaa sheegay in ay sii wadayaan  dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dawalda iyo kuwa AMISOM isagoo sheegay dagaalkii shalay ee ay weerarka soo qaadeen in ay kaga gubeen baabur askar badan oo saraakiil ku jirto ay ka dileen .

Hadalka afhayeenka Alshabaab ayaa imanay kadiba shalay  markii afhayeenka Ciidmada AMISOM uu sheegay in ay gabi ahaanba ka sareen Al-Shabaab isgaoo sheegay in ay ka guulaysteen dagaalna kaga adkaadeen waxaa kaloo uu sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed