Goobihii Shalay lagu dagalamay Magaalada Muqdisho oo Degen kadib xalay dagaal Halkaasi ka dhacay
Muqdisho-MMedia-Goobihii Shalay lagu dagaalamay oo degen kadib shalay dagaal culus uu halkaasi ka dhacay iyadoo lagaga awood roonaaday ciidamadii taageersanaa Al-Shabaab.
wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xaalada Goobihii shalay lagu dagaalamay ay degen tahay islamarkaan aanay jir wax dagaala oo ka socda gobaahaasi,Xaruntii hore ee jaamacadda Mqdisho iyo qabuuraha Brakaat ayaa saaka waxaa lagu soo waramayaa in ay daganaasho ka jirto inkastoo xalay dagaal mudo gaaban socday uu ku dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamada dowladda kaasi oo ku bilowday weerar ay shabaab kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda.
Dagaalkii xalay ka dhacay Goobihii shalay laga qabsaday Al-Shabaab ayaan wali laga soo sheegin Qasaare inkastoo uu dagaalku u ahaa mid Goos goosa iyadoo ay wali ciidamada AMISOM ay joogaan iyo kuwa DKMG oo sugaya amaanka Gobohaaasi.
Maakhir Media Muqdisho
