Koob lagu daryeelayo caafimadka carurta oo lasoosaray,(layaab)
LAYAABKA ADUUNKA(MMEDIA) aduunka waxa jira ganacsi marba marka kadanbaysa arin cusub lagu hindiso inlasoosaaro,waxana tani kamid tahay tiknoolan jiyada ganacsiga aduunka.
Hadaba waxaa arin aad ulayaab adan ah inlasoo saaray koob loogu talo galay daryeelka carurta, iyo inuusan shaha iyo alaabaha kulul aysan kudaa’dan carurta hadiba uu kaqubto shaaha ama dhulka uga dhaco.
Koobkani oo lagu qoray”Ka taxadarka caruurta waa waxaad ugu jeceshahaye
madama qofka walid yaheyna maba ku sii jiro oo waa uu ka sii xag jiraa dadka kale ee weli caruur dhalin.
Maalin walbaba waxa dunida kusoo kordho wax yaaaba badan
oo caruurta looga taxadaraayo hadey ahaan laheyd dhanka
caafimaadka,koriimada,waxbarashada iyo kuwa kale oo
badan.
Maantana waxaan idiin soogudbineynaa fikrad soo jiidatey dadka maqlay kana sooburqatey haweney Swedan ah,taasi oo
hindistey Koob kaligiis is furaya kaligiisna isxeraya hadii aan sii sharxo.
koobka waxa uu is furaya markii afka la saaro oo ay faruryaha riixaan oo kaliya
hadii afka laga qaado kaligiis ayuu is xerayaa,Oo hadii canuga laaco waxa ku jira ama qarka qabto
“dabagadoomo”wax ka daadanaya majiran oo waxii ku jirey.
Koobka haduu dhulka kaga dhaco asagoo buuxa,sidiisi ayaa loogu tagayaa ayadon dhibici aynakadadan, waxana aytahay talaabo logudaryelayo inaysan carurta ku quban shaaha kulul.
Koobka oo ah mid wakhtigani loogu iibsi badan yahay, waxa uu soobaxay dhawaan waxana hindistey haweenay udhalatay wadanka sweden,taasi oo sheegtay inay arintan kudhalisay carurta kugubanaysa biyaha kulul ee koobka lagu shubo.
Arintani waxa ay kamid tahay tiknolan jirada malinba malin kadanbaysa lagu hindiso,waxana inta badan jira dad ayaga kuhowlan daryeelka dhalaanka iyo carurta.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Nework.
