Xadgudbyada Saxaafada Sanadkii 2011 oo NUSOJ ay qoraal kasoo saartay.
Bossaso(MMedia) Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa ay daaha ka qaadeen warbixinta sanad laha ah ee xoriyada saxaafada soomaaliya.
Warbxintaani ay soo saareen Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa lagu qoray waxyaabo fara badan oo khuseeya Saxaafada Soomaaliya isguna jira Documintiyo xadgudubyada lagula koco Saxafiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada Puntland iyo Somaliland.
Qoraalkaan ama Warbixintaa ay soo saareen Ururka Saxfiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ciwaan looga dhigay (Nolosha iyo Xuquuqda Saxafiyiinta waxaa ay kusugan tahay Goodi iyo Hadadaad).
Xadgudubyada loogaystay Saxafiyiinta ayaa waxaa warbixinta lagu qoray (Dil 4 Saxafi Dhaawac 7 Saxafi Jirdil 19 Saxafi Weerar Warbaahino 7 Hay’adood oo warbaahineed Dhaliil iyo ceebayn 5 wargays) iyadoo Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa ay dabagal iyo baaritaan ku hayaan ilaalinta Xuquuqda Saxafiyiinta Soomaaliyeed Dunida oo dhan.
Sanadkii 2011 ayaa waxaa uu ahaa mid kaxun sanadkii ka horeeyay ee 2010 marka loo eego Xaalada Saxafiyiinta iyo Saxaafada Somaliyaba waxaa uuna sheegay Xog hayaha guud ee ururka NUSOJ Cumar faaruuq Cusmaan in Sicad loogu tumanayo Xuquuqda Saxafiyiinta iyo Saxaafada iyadoo lagula kaco suxufiyiinta dulmi fara badan oo noocyo kala duwan isugu jira cabsiduna ay intaasi dheertahay waxaa uuna ku baaqay in ladifaaco xuquuqda iyo xoriyada saxafiyiinta lagana hor istaago rasaasta dilaaga beegsanaya saxafiga (Wariyaha Xaq Dhawr)
Dhanka kale waxaa uu sheegay Cabdi Aden Guuleed in Magaalada Muqdisho ay wali kasocdan weerarada iyo Xadgudubyada loogaysanayo Saxafiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta ee dalka waxaa uuna intaas ku daray in magaalada Muqdisho kaliya lagu dilay 4 wariye sanadkii lasoo dhaafay ee 2011.
Waxaa soo shaacbaxay in xukuumada kuleem gaar ah ay gashay kaalinta koowaad ee ugaarsiga Saxafiyiinta xoriyadoodana meel uga dhacay .
Ciidama amaanka iyo wasaaradaha dalka ayaa waxaa ay noqdeen kuwo caqabad ku ah Saxafiyiinta iyagoo si sharci dara ah uqabsada Saxafiyiinta islamarkaana u diida inay gaaran ujeedkooda oo ah inay war sax ah ay kasoo wariyaan meelaha ay isku horfadhiyaan ciidamada dawlada iyo kuwa kasoo horjeeda iyo waliba xafiisyada Ciidamada iyo Wasaaradahaba.
Saxafiyiinta ayaa waxaa ay kala kulmayeen dhanka dawalada handadaad iyo mararka qaar jirdil iyo in laga fara maroojiyo agabka warbaahinta ee ay ku hawlgalayeen taasina waxaa ay noqonaysaa tusaale cad oo kutusaya sida ay ugu tumatay dawlada KMG ah ee soomaaliya Xuquuqda Saxafiyiinta Dalka.
Waxaa iyaduna kaalinta labaad ee kutumashada xuquuqdad Saxaafada iyo Suxufiyiinta galay Maamulka Somaliland oo isagu kusoo xigsaday DFKG ah ee soomaaliya.
Tirade kutumashada ee xoriyada Saxaafada ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay gaaratay Maamulka Soomaaliland ilaa iyo 10 saxafi oo lagula kacay jir dil iyadoo saxafiyiintana lagusoo ee deeyo waxyaabo been abuur ah islamarkaana maxkamada danbiyada lala beegsado.
Maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu tilmaamay Inuu yahay Maamul Shaqo ka dhigtay ku been abuurashada Saxafiyiinta horayn aan loo arag Maamul lamida oo sidaasi oo kale shaqo uga dhigtay ku been abuurashada Saxafiyiinta.
Kaalinta Sadexaad ayaa waxaa iyana galay Maamulka Punt land oo la tilmaamay inuu kagalay Xadgudubyada Saxaafada iyo Saxafiyiinta Shaqada Kajoojinta qaar kamida warbaahinada iyo Saxafiyiinta iyadoo dhanka kalana la sheegay in Maamulka Punt land uu isaguna kuraacay Maamulka Somaliland Maxkamadaynta Saxafiyiinta.
Ugu danbayn Ururka NUSOJ ayaa waxaa uu ugu baaqay DFKG , SOMALILAND PUNT LAND :-
1)in ay (DFKG ,SL,Pl) kusugnaato fulisana Siyaasado sugan oo isku xiran islamarkaana ku dheehan cafinta Saxafiyiinta , Hay’adaha Warbaahinta iyo kafogaynta eedaymaha loosoo jeediyay iyadoo loo aqoonsanyo inay tahay habka ugu wanaagsan ee loo sugi karo Xoriyada Saxafada.
2)in Ciidamada Amaanka iyo booliska aan loo adeegsan Saxafiyiinta markii ay dhacana waxyaabo Dag Dag ah maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inay kula kacaan Saxafiyiinta Dil Hay’adaha Warbaahintana waxyaabo aan haboonayn.
3)in aan lagu tuman xoriyada Saxafiyiinta iyo in laga joojijo saxafiyiinta handadaada iyo dhabaatooyinka loo gaysanayo.
Cabdiraxmaan Sanka.
Maakhir Media Office News In Puntland.
