|

Gudoomiyahi degmada ufayn ee gobolka bari oo dib xoriyadisii uhelay kadib mudo uu kujirey xabsiga magaaladda bosaaso.

BOSAASO(MMEDIA)Gudomiyihi degmada Ufayn ee
gobolka Bari oo mudo Todobo Bilod kahor xabsiga loo taxaabay
ayaa Xorriyadiisa dib u helay kadib markii uu Waxdanbi ah
Lagu wayeey.

Mudane Maxamud Aw_Muse oo Todobo Bilod Ka Hor Lagu xirey Xabsiga Magaalada Bosaaso ayaa Manta laga sii daayey Xabsiga talaabdani oo ka
dambeysay kadib Markii Dhowaan uu kulan dhexmaray
Odayasha Degmada Ufayn iyo Madax weynaha Maamulka Puntland.

Gudomiyaha oo Daqiiqada ka dib
Markii Xabsiga laga siidayeey Aan
Khadka Talefanka kula Xiriray Shegay in uu soo dhoweeyey
inuu xorriyadiisa dib u helo,wuxuuna tilmaamay in mudadii uu xirnaa aan wax
Maxkamad ah la horkeenin Taas
oo ka hor imanaysa Dastuurka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xarigiisa ay la xirrirtay Ka Dib
Markii israsasayn Mudo Soconaysay oo dhexmartay Ciidanka Degaanka ah iyo Sarakil ka Socotay Shirkada Macdan Barista Puntland oo ka dhacday Doxada
laba rugood.

Xiligii la Xireyeey Gudomiyaha
Degmada Ufayn Waxaa isna Xabsiga la dhigay Taliyihii Hore
ee Cidanka Degmada Ufayn Salaad Jamac Siciid (Salaad Dhere)
oo intuu Xira Xilkii Laga qaday.

Dhinaca kale AW_Muse wuxuu shaaca ka qaaday inuu si wadi
doono howlihi uu qaban jirey oo ah inuu u adeego bulshada ku
dhaqan degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Siidaynta Gudomiyaha Degmada Ufayn ayaa Kusoo beegmaysa
iyada oo degaanka ay ka socoto hawlo uu Maamulka Puntland ku sheegay in Macdan Lagu Barayo.

Cabdisalaan Axmed shire

Maakhir Media Network.

Comments are closed