|

Khataraha Ku Hareereysan Shacabka Soomaaliyeed Iyo Qaabka Looga bixi karo(Dhagayso)

Play

Bossaso (MMedia) Waxaa Magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari lagu qabtay Muxaadaro Ciwaankeedu ahaa Khataraha Ku Hareereysan Shacabka Soomaaliyeed Iyo Qaabka Looga bixi karo uuna soo jeediyay Sh.Axmed C/samad.

Muxaadaradaani oo socotay ku dhawaad 2-saac ayaa waxaa uu sheekhu kaga hadalayay dhibaatooyinka soomaalida haysata iyo waliba xalka ay dhibaatooyinkaasi leeyihiin oo lasoo bandhigay.

Masjidka Al-rawda oo ah Masaajdka ugu Jameecada Badan amaba ugu wayn Magaalada Bossaso oo Muxaadaradaani ay ka dhacday ayaa waxaa kasoo qayb galay dad wayne fara badan oo aad uxiisaynayay In ogaadaan qaybaha  kala wadan ee dhibaatooyinka ay soomaalidu kusugan tahay iyo sida loogagudbi lahaa ama lagu xalin lahaa.

Shiikha oo qayba badan ukala qaaday dhibaatooyinkaa ayaa waxaa uu sheegay ama hadalkiisa ku jirtay in soomaalidu ay iyagu sabab uyihiin in cadawga shisheeye oo si cad ugusoo suulo taasina ay tahay dhibta ugu wayn isagoona sheegay in hadii aysan soomaalidu horkici lahayn dad shisheeye aysan kusoo dhiiran lahayn inay soomaaliya kusoo duulaan.

Muxaadaraadin oo kusoo dhamaatay Jawi dagan oo nabadgalyo ayaa waxaa ay iftiiminaysaa mustaqbalka danbe ee soomaalida iyadoo shacabka soomaaliyeedna ay utaalo inay kala doortaan bur bur horle ama ay kacaan oo ay dalka wax kaqabtaan.

Cabdiraxmaan Sanka.

Maakhir Media Office News in Puntland.

Comments are closed