|

Xagala Toosiye oo qaadacay Shirkii Taleex iyo Go’aamadii kasoo baxay ,Nabadna Ku baaqay

Buhodle-MMedia-Xagala Toosiye oo ayaa si aad auga soo horjeestay ajandihi iyo qodobadii kasoo baxay shirkaasi isagoo uu waramayay laanta afka Somaaliga e BBC waxana uu ka sheekeeyay ajandihii loo aasaasay shirka inay ahayd in lagag tashado aayaha danaha SSC balse ay majara habaabiyeen dad kale oo dana gaara wat.

Xagla Toosiye oo ah Hogaamiyaha SSC ayaa sheegay in uu ahaa dadkii ka mid ahaa shirka taleex ka qayb galay isla markaana dooanaya in ay aayaha dadka SSC kaga taliyaan isagoo waraysiga uu BBC siyay kaga sheekaynaya ayaa sheegay in shirka ay doonayeen in uu noqdo maamul Goboleed Buuxa in loo sameeeyo basle ay dad kale oo gooobta joogay ay soo magacaabeen xubno aan lagu tashan oo aan dadku u dhamayn.

Saleebaan xagla Toosiye oo sheegay in ay nabad ku baaqayaan isagoo sheegay in ciidamada is dul yaal lakala qado oo uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Buhoodle ay somaaliland kabixiso Magdhow isla markaana ay ciidanka ka qaado jiida joooga ,shacabkana ay is dajiyaan ,isagoo waliba ku baaqay in aan dagaalku faa’ido lahayn oo loo gudbo dhanka Nabada.

Saleebaan xagla tosiye oo dhaliicayn dusha uga tuuray  Cali khaliif kaasi oo uu sheegay in uu kamid yahay in dadka afduubasy shirka oo soo doortay dad aan shacabka SSC soo dooran  balse la doonayo in laga soo horjesto ,sidoo kale waxa uu sheegay in niman gaar ah ay fadhiisteen meesha oo diiday aayihii shirka khaatumo  waxaan ay afduubteen dhamaan shirkii isagoo raali galin u diray shacabka SSC  ”waan ka raali galinayaa dhamaan shacabka ssc odayaasha ,isimda ,waxgaradka,habalaha iyo dhalinyarada khaladkii laga galay “sidaasi waxaa yidhi saleeban xagla toosiy.

Salebaan xagla toosiye Hogaamiyaha SSC ayaa ku baaqay Nabad  isla markaana laga shaqeeyo amaanka iyo kala danbaynta  lana joojiyo dagaalka .

Sikasataba ha ahaate hadalka xagla toosiye ayaa imanaya xili Taleex laga dhawaaqay sadex madaxwaynee iyo golayaal wasiiro oo noqonaya Madaxda Maamulka Khaatumo .

Maakhir Media Buhoodle

Comments are closed