MSF oo joojinaysa hawlihii caafimaadeed ee ay u qaban jirtay Magaalada Muqdisho
Aqriso Warsaxaafadeed.
19-ka January 2012 – Kadib markii ay dheceen dilalkii naxdinta lahaa ee Muqdisho loogu geystay asxaabteena Philippe Havet iyo Dr. Karel Keiluhuo 29 ka bishii December 2011, MSF waxaa ay ku qasbantahay in ay joojisa howlaha ay ka wada mashruucaas
Laakiin si ay u sii socdaan howlahaas madaxa banaan ee MSF waa in la ixtiraama shaqaalaha, bukaanka, dhismayaasha iyo qalabka. Haddii shuruudahaas la hela, MSF waxaa ay isku xilqaameysaa in ay howlaheeda Soomaaliya sii wadato.
“Wey adagtahay in aad meel ka baxdid, iyadoo howlihii aad ka waday ay ahaayeen kuwa naf lagu badbaadiyo maalin walba,” ayuu yiri Christopher Stokes, agaasimaha guud ee MSF, “laakiin dilkii arxan darada ahaa ee asxaabteena loo geystay ayaa noo suura galineynin in aan kasii shaqeyna mashruucan” intaa ayuu ku daray.
MSF waxaa ay dhammaan madaxda maamulada iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaneysaa in ay ka qeyb qaataan dadaalda siidaynta lahaystayaasha Montserrat Serra and Blanca Thiebaut, oo laga afduubay xerada qaxootiga ee Dhadhaab bishii October, sanadkii hore iyagoo ku howlan mashruuc xaald degdeg ah oo lagu caawinaayey Soomaalida ku nool halkaas.
MSF waxaa ay si joogta ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991 iyadoo haatanna ay dalka ka wado 13 mashruuc oo ay ka mid yihiin, barnaamijyada caafimaad ee degdegga oo haatan socda, ololaha talaalka iyo adeegga nafaqeynta. MSF waxaa sidoo kale ay caawisaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, Kiinya iyo Dolow Ado, Itoobiya.
