|

Dabley Hubaysan oo Suldaan ku dishay Gaalkacayo dadkalena ku dhawacday

Galkacayo-MMedia-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in dablay Hubaysani ay Rasaas ku furtay odayaal ,isimo ,waxgarad iyo dadkale halkaasi khasare ka soo gaadhay dadkii goobta fadhiyay.

wararka ayaa sheegaya in halk qof dhintay halka laba kalena ay ku dhawacmeen iyadoo kuwaasina loo qaday cisbitaalka wayn ee magaalada gaalkacayo ,sida noo sheegeen dad goob joogayaal ahaa oo ka agdhawa goobta ay arintani ka dhacday in dablay hubaysani ay soo weerartay meherada ay odayaashu ku sugnaayeen.

Halka qof ee dhintay ayaa la sheegayaa in u ahaa Suldaan kassi oo lagu magacaabo  Siciid Cismaan Shobereysto islamarkaasina ka mid ahaa salaadiinta Gobolka Mudug ,waxaana ay wararku sheegayaan in suldaanka dadkii ka danbeeyay dilkiisa ay ku labisnaayeen dharka ciidanka.

kooxii dilka gaystay ayaa ka baxsaday goobta iyagoo aan lagaranayn halka ay ka soo duuleen iyo meesha ay ku sugan yihiin waxana aan wali la soo sheegin cida ka danbaysay dilka Suldaanka.

Laamaha amaanka ayaa soo gaadhay goobta iyagoo baadhitaan ka wada goobta u shilku ka dhacay,iyagoo ka gaabsaday in aanay iminka la hadli karin warbaahinta balse ay dib ka sheegi doonaan,suldaanka la dilay ayaa loo malaynayaa in ay u eegatahay aano qabiil .

Maakhir Media Galkacayo.

Comments are closed