|

Magaaladda taleex oo looga dhawaqay maamulka cusub iyo madaxda maamulka khaatumo state of soomaliya.

TALEEX(MMEDIA)Waxaa magalada Taleex loogaga dhawaqay xubnaha hogaanka u qabanaya maamulka Khaatumo-
State Of _Somalia
Xubnahan oo la sheegay inay xilka haynayaan muddo
gaadhaysa 18 bilood.

Waxa lasheegay in siloogabaxo xaalada adag ee lagu jiro,logu qabtay mudadani oo ah mudo gaaban, waxana dib loosodor ranayaa hogaanka maamulka,iyadoo la dhaariyey xilkii qaar kamid ah.

Waxaa si ku meel gaar ah loogu doortay magaalada Taleex inay noqoto Casimada maamulka Khaatumo.

Waxaa iyana lagu dhawaaqay in
Golaha Wakiiladu ka koobnaan doonaan 47-xubnood oo 9-ka
mid ah loo qoondeyey inaynoqdaan Haween.

Magacayada Golaha
madaxtooyada ayaa kala ah:- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
- Maxamed Yuusuf Jaamac(Indhosheel)
- Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)-
(Dibbaa laga dharinaya).

Magacayada Golaha Wasiirada:
1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed
(Dabay)- Wasiirka Wasaaradda
Xiriirka Caalimiga iyo Jaaliyadaha
2. Maxamed Ducaale Cabdi-
Wasiirka Amniga Qaranka
3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka
Wasaaradda Maaliyadda
4. Cabdikariim Faarax Dhaaye-
Wasiirka Wasaaradda
Horumarinta iyo
Khayraadka Dabiiciga
5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof-
Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada
6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka
Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Waxana sidoo kale ladhowrayaa wax qabadka maamulkan cusub ee laga sugayo.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed