|

Degmada Shimbiraale oo laga soo sheegayo xaalad Biyo la’aaneed iyo daryeel caafimaad la’aan oo ka jirta

Shimbiraale-MMedia-Iyadoo magaalada shimbiraale ee ay kamid tahay degmooyinka Gobolka sanaga kuna taalo Bartamaha Gobolkaasi waxaa si aada looga cabanayaa biyo la’aan iyo dhanka caafimaadka oo aanay k ajirn daryeel caafimaadeed.

Wararka ka imaanaya Degmada Shimbiraalee ee Gobolka sanaaga yaa sheegaya in ay ka jiraan daryeel la’aan caafimaaded iyo Biyo la’aan isla markaana ay jirto abar kala duwan oo ku habsatay dhuldaaqsimeedka hortaga magaaladaasi.

Dadka deegaanka shimbiraale ku nool iyo nawaaxigeeda ayaa lasoo xidhiidhay shabakada wararka ee Maakhir Media ayay u sheegeen in ay jiraan biyo la’aan iyo daryeel la’aan caafimaadeed waxana ay sidoo kale ka dhawaajiyeen in  hadoo qof ay wax ku dhacaan meelaha ugu dhow ee la gaynayaa ay yihiin Bosaso Ceerigaabo iyo Hargaysa ama Burco taasi oo keentay ayay dhaheeh magaalada oo aan lahayn goob caafimaadeed.

Wararka ka imaanaya sidoo kale magaalada ayaa sheegaya in dadku aanay haysan macalimiin ku filan dhanka waxbarashada iyadoo ay ugu wacan tahay xaalada Abaarta oo sii badanaysa waakan Aadan Siciid Jidible oo nooga waramay xaalada magaalada iyo waxbarasho la’aan”Runtii deegaanka shimbiraale  waa deegaan kuyaal gobolka sanaag waxana aan loo qaban balse dhanka waxbarashada waa ka liidataa  waayo ma helaan ardayda adeegii wax barasho macalimiintana ma helaan mushaharkii waayo waad ogtahay in qof walba uu ku xidhan yahay reer”sidaasi waxa ayidhi Aadan siciid jidible.

Xiliyada jilaalka dhanka waxbarasada ee magaalada shimbiraale waxay noqotaa mid aad u liidata iyadoo ardayda wax ka barta iskuulka hoose dhexe ee shibiraale aya hayaamaan oo raacaan reerha sababaha keena xaladaasi waxaa ka hadlaya  gudomiyaha waxbarashada magaalada shimbiraale Salebaan Axmed Geedi”waxa kalifa in ay raacan dadka reer guuraaga ah reer shimbiraale ayaa ku xidhan dadka badiyaha sababta ay ku raacaan ardaydu dadka hayaamaya ayaa ah in aanay haysan wax ay  ku hadhaan waayo hadii  loo samayn lahaa in sadexda wakhti loo sameeyo meel ay wax ka cunaan way sii socon lahayd waxbarashadooda  marka sidaasi ayaa kalifta in ay raacaan”Saleebaan oo la hadlaya maamulada ka jira deegagana Gobolka sanaag gaar ahaa Somaaliland oo ka talisa Shibiraale kuna yaalo fariisnka ciidanka in ay waxka qabtaan dhanak waxbarashada iyo caafimaadka biyaha iyo adeegyada bulshada .

Degmada shimbiraale ayaa ah degmo u dhaxaysa magaaloyinka waawayn ee Gobolka sida xinglool ,Damala xagare ,Ceelbuu,Ceerigaabo, waxaana ay magaaladu dhacdaa Bartamaha Gobolka sanaag.

Xaalada magaalada ayaa  si aada looga soo dayrinayaa iyadoo dad badan oo ku nool magalaadassi ay yihiin dad danyar ah isla markaan ay u baahan yihiin gar gaar dhanka bini aadamka ah .

Culimada iyo aqoonyahanka ,waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa baaq u diraya Somaaliland in ay ka qayb qaataan adeegayada Bulshada  sida waxbarashada caafimaadka iyo dhamaan adeegayda kale .

Maakhir Media Shimbiraale Sanaag

Comments are closed