Dagaal u dhexeeya Ahlu suna iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Degmada Dhuusa mareeb Meel kudhow
Dhusamareb-MMedia-Dagaal culus oo u dhexeeya ciidmada Al –Shababa iyo kuwa Ahlu suna ayuu ku dhexmaray degmada Dhuusa mareeb kaasii oo gaystay dhimasho iyo dhawac.
Wararka ka imaanaya magaalada dhuusa mareeb ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray labada ciidan eek ala taageersan alshabaab iyo ahlusuna waxaan ay warar ayaa ku daraya in Dagaalkaani uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku leeyihiin meel sida la sheegay 5-KM u jirta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.
Gudomiyaha degaada dhuusa mareeb ayaa sheegay in ay dagaalka soo qaadeen Al-shabaab waxaa uu sheegay in dagaalka aanu ka dhicin magaalada balse uu ka dhacay meel 5 KM u jirta magaalada .
Khasaaraha dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa 3 qof oo ay shegeen in ay ahlu suna ka dishay 3 alshaab halka ay ka dhawaceen waxanaa ay hadalkoooda ku dareen in ay dhawacoodiina ka carareen sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Dhuusa mareeb C/raxmaan Geedo
Dagaalka ayaa inta badan dhexmara Ahluna suna wal jamaaca iyo Al-Shabaab waxaana ay isku laayaan deegaanada labada dhinac ay haystaan si mid midba kale uu ugu la dagaalo si uu haysto deegaanka .
