|

Isimadda puntland oo canbareeyey dagaalkii ciidamadda somaliland kuqaadeen gobolka cayn.

NAIROBI(MMEDIA)iisimadda puntland ayaa ugu baaqay soomaaliland inay joojiso dagaaladda ayku wado goboladda sool,iyo cayn ee aykusugan yahiin dadka rayidka ahi.

Qaarkamid ah isimada puntland ayaa ugu baaqay maamulka soomaaliland,inay keeni karan dagalada colaad cusub oo kadhacda goboladaas, waxana ayxaqiijiyeen inay tahay miday ka xun yahiin dagaaladi dhawan aykusoqaday gobolka cayn.

Afhayeenka iisimada puntland Suldaan maxamed cabdi yuusuf ayaa canbaareyey dagalada dhawaan kadhacay gobolka cayn kaasi oo kadanbeeyey markii ciidamada somaliland weraren halkaasi.

Suldan maxamed cabdi yuusuf, oo ah afhayeenka iisimada puntland ayaa asagoo kusugan dalka austria ayaa waxa uu kunuux nuux saday inaysan marna indhaha kalaaban doonin dagaaladda aysoomaliland kuhayso goboladda sool,sanaag iyo cayn.

Suldaan maxamed cabdi yuusuf oo kamid ah isimadda ugu magaca weyn kana ololeya arimaha soomaalida,ayaa sheegay inay somali-land kufashil matay horumarkii ayku taami jirtey ayna malinkasta dagaal kuqaado dadxoolo dhaqato ah.

“soomaliland waxa aymalinkasta werar kuqaadaa dagaal joogto ah,waxana ugu baaqaynaa waxgarad ka soomaliland inaysan hormuud unoqon dagaal sokeeye oo gobolada kadhaca,’ayuu yiri.

Afhayeenka iisimada puntland oo hadalkisa siiwata ayaa sheegay inay codsi udirayaan waxgaradka,odayasha ‘iyo cidkasta oo soomaliland ah inay joojiyan dagaalkasi uuna dib danbe udhacin.

“dadku waa wiil iyo ina abtigii waa gabdh iyo walasheed waa dad isdhalay laakin waxan ugu baaqayna inay odayasha somaliland arintani aysan tageerin ayuu intaasi kudaray suldaan maxamed yuusuf cabdi.

Sikastaba hadalkan kasoobaxay iisimada puntland ayaa imanaya ayadoo dhawaan soomaliland werarkuqaaday degmada buhodle ee gobolka cayn taasi oo keentay inay dad badan kudhintan kuwo kalana kudhawac maan.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed