|

Raga soomaali ah oo lagu eedeyey argagixiso oo maxkamad ugu furantay magaala xeebeedka mombaza keny.

mumbaasa(MMEDIA)ilaa iyo 7-qof oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin xarakada Alshabaab ayaa waxaa maxkamad ku taala magaalada Mambasa ay ku xukuntay midkiiba 2-sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay in ay dalka ku joogeen si sharci daro ah.

Waxa lasheegay inragan asalkooda uu soomaali yahay ayaa waxa la hor keenay maxkamada hoose ee magaalada Mambasa ka dib markii sanadii aanu soo dhaafnay lagu xiray magaalada Lamu.

Wararka waxa ay intaasi raacinaaya in Raggaani ay diideen 5-dacwo oo kale oo ku saabsanaa in ay diyaarinayeen in waxyeelo ka gaystaan dalka Kenya ka dib markii hub lagu qabtay.

Maxkamada ayaa gudoomisay in la dhagaysto kiisaska kale ee raggani ay dafireen 2-da bisha February ee soo socota,amaanka dalka ayaa siwayn loo adgeeyay iyadoo marwalbaana ay soo baxaan digniinaha ku aadan cabsida weeraro ay geystaan Kooxda Alshabaab.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed