|

C/weli oo Canbaareeyay Duqayntii Jilib

Muqdisho(MMedia) Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay baarayso duqayntii Kenya ay ka gaysatay magaalada Jilib ee Jubada dhexe taasi oo ay ku geeriyoodeen caruur hal qoys ka koobna oo gaarayey 4 ruux.

C/wali Max’ed Cali, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay duqayntii diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay ka gaysteen magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe taasi oo ay ku dhinteen caruur isku qoys ahaa.

C/wali ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ku qaabilay  maanta  Abdullahi Macallin Hussein oo ah aabaha dhalay caruurta ku geeriyootay duqanta kaasi oo uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in uu tacsiyeeyay uuna u sheegay in uu alle samir ka siiyo isaga iyo shacabka Soomaaliyeed caruurtaasi.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay si deg deg ah u sameen doonaan baaritaano la xiriira dhacdadii Jilib taasi oo uu sheegay in ay la kaashanayaan dowladda Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaan howlgal balaaran oo uu sheegay in looga soo horjeedo waxa uu ku sheegay Nabad diidka Al Shabaab oo uu sheegay in shacabka ay ka hortaagan yihiin gar gaarka.

“Mar kale waxaan ku celinayaa in dowladda KMG Soomaaliya ay ka xun tahay qasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaraya duqaymaha Kenya, duqayntii Jilibna waxa ay inoo tahay darsi lama iloobaan ah, waxaana ku dadaali doonaa in la yareeyo ama la joojiyo qasaaraha soo gaaraya rayidka” sidaasi waxaa yiri C/wali Max’ed Cali Gaas.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed