Wafti Wasiiro Somaliland ah oo Ku Sii Jeeda Badhan Iyo Dhahar
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Mr Siilaanyo ayaa wafti heer wasiira ah usoo diray Gobolka Sanaag Gaar ahaan Degmooyinka Badhan iyo Dhahar waftigan waxa hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhiga Mr Cadami waxaana ka mida wafdiga Waasiirka Deegaanka iyo reer Miyiga Mr Gacamey waxaa la sheegayaa inay wafitdaasi ay la kulmayaan Odayaasha Degaanka si ay uga dhaadhiciyaan Mashaariic ay wadaan waa sida hadal loo dhigaye
Waftigan ayaa ku horayn doonaan Magaalada Ceerigaabo waxaanay uga sii gudbi doonaan Degmooyinkaas waxa kale oo waftiga kusii biiri doona Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Somaliland kana soo jeeda Deegaanadaas kuwaasoo xoojin doonaa olalaha ay wadaan Wasiirada. sida ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan waxay wafitgani ka jawaabayaan Hadal Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay Shirkii u lalaha labada Gole ee Somaliland kaas oo u balan qaaday inuu fulin doona Masharaariic laga fulin doono deegaanadaas laguna kharash garayn doona lacaga gaadhaysa $500.000 wajiga hore
Waxa kale oo la sheegayaa in waftigan loogu talagalay inay dejiyaan dadka deegaankaas hadii dagaalada ka socda Buuhoodle sii dheeraadaan si ayna qadiyadu isugu bedelin mid qabiil waa sida uu hadalka u dhigay mid kamida wafuuda oo magaciisa qariyay
Isku soo wada duubo waxa laga dhursugaaba waa waxa waftigu la shir yimaadaan waxaana marag madoonto ah inay la kumi doonaan xisaab adag oo dadka deegaanku la geli doonaan waana markii ugu horaysay oo wafti culayskaa leh oo ka socda Somaliland ay soo booqdaan deegaanadaas waxaana aad looga yaaban yahay waxa ku soo aadiyay xiligan oo shirkii ka socday Magaalada Taleex lagaga dhawaaqay Maamul Goboleed u gaara Beesha Dhulbahante oo loo baxshay Khaatumo State
Maakhir Media Hargaysa
