|

Mahiiga iyo wafidi uu Horkacayo oo Booqday Xarunta ay QM ka furanayso Muqdisho xafis Cusub

Muqdisho-MMedia-Dr. Augustine Mahiga iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay soo kormeereen xarunta ugu weyn ciidammada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane, si uu ugu kuurgalo suurtagalnimada in xafiisyada Qaramada Midoobay halkaasi laga furi karo.

Ergeyga xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu haatan kulamo la leeyahay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Furitaanka xafiiska QM ayaa ka danbeeyay kadib imaanshihii Banki Moon Muqdisho isagoo tilmaamay in ay xafiis ka furan doonaan muqdisho si ay uga qayb qaataan xaalada Binaadanimo ee Dalka Somaaliya .

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed