Gudoomiye kuxigenka barlamanka kenya oo booqday somaliland kalana hadlay dagalada dhawan gobolka cayn.
NAIROBI(MMEDIA)siyaasiga rer kenya ee farax macalin ayaa Magaaladda Hargeysa ee Xarunta Somaliland
gaaray,Gudoomiye ku Xigeenka Barlamanka Kenya Mudane Faarax Macalin, iyadoo dhinaca kalana uu ka dhawaajiyay inlajojiyo dagalada deganada cayn.
Faarax Macalin oo siweyn loogu soo
dhaweyay Magaladda
Hargeysa, wuxuuna Madaxda Somaliland, kala hadlay arimo badan iyagoo wada hadli doona dhawr qodobo, oo uu
qeybka yahay dagalka dhawan somaliland kuqaday gobolka cayn.
Iyo dagaalada kasoo
cusboonaaday Deegaanada ay
Somaliland ka arrimiso iyo qarkamid ah goboladaha maamulka khaatumo state.
Masuulkaan oo warbaahinta kula
hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in
Soomaali meel walba ay joogto ay Soomaali tahay, xilligaana
aysan ahayn sida uu yiri xilli dagaalo, balse ay tahay buu yiri
xilligii la-dhawri lahaa in uu daato dhiig dambe oo Soomaali ah.
Asagoo hadlaya ayaa waxa uu yiri farax macalin “Soomaali meel walba oo ay
joogto waa Soomaali, xilligaan lama jooggo xilligii la-daadin
lahaa dhiig dambe oo Soomaali ah, ee waa xilligii la-dhawri lahaa in uu daato dhiig dambe oo
Soomaali ah, waa xilligii nabadda
la-dhawri lahaa.
Waxana uu inta kudaray Faarax Macalin.“Soomaaliya uma baahno dagaalo ee waxay u baahan
tahay nabad, waxaan ahay nin Soomaali ah, laakiin hadda ka
socda Qaran ay Soomaalidu ku
yar tahay, markii Ciidamadda Kenya ay gudaha u soo galleen
dalka Soomaaliya.
Soomaalida Kenya aad ayay uga xumaatay,
hadana waa xal oo waxaa lala dabar go’ynayaa nimankaan
cadowga ah ee Al Shabaab,” ayuu sii raaciyay Faarax Macalin, isagoo muujinaaya kalsooni
balaaran.
Hadalkan gudoomiye kuxigeenka barlaman ka wadanka kenya ayaa imanaya adoo dhawan aysomaliland dagal kuqaaday qeybo kamid ah gobolka cayn.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Networj
