Afhayeenka Xarakada Al-Shabab”90-Casho oo ay Ciidamada Kenya ku jiraan wadanka Soomaaliya ay soo dhaafi waayeen wax ka badan 60-KM”
Muqdisho-MMedia-Shir jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka Xarakada Al-Shabcaab sheikh cali dheere ayuu kuga hadlay ciidamada Kenya iyo Eithopia galintaanka dalka ay soo galeen iyo inti ay ku jireen in ay ku fashilmeen dulaankoodii.
Shirkan jara’id ee uu saxaafada lahadlayay ayuu ku shegey Shiikh Cali dheere in 90-Casho oo ay Ciidamada Kenya ku jiraan wadanka Soomaaliya ay soo dhaafi waayeen wax ka badan 60-KM, wuxuuna tilmamaay in fashilka Ciidamada Kenya ay muujinayaan duqeymaha dadka rayidka ah ay ku bartilmaameedsanayaan ee ka dhacay gobolada Koofurta ee dalka Soomaaliya.
Waxaa kaloo uu ka halday Shiikh cali Raage afhayeenka Al –Shabaab la wareegida Ciidmada itoobiya Magaalada Baladwayne isagoo sheegay in ciidmada ay soo dhaafi waayeen Magaaladaasi isla markaana ay ciidamada Al-shabaab ku jiraan gudaha magaalada balad wayne iyagoo ka wada dagaal ay kula jiraan ciidamada itoobiya .
Ugu danbaytii Afhayeenka xarakada Alshabaab ayaa sheegay in ay la dagaalaami doonaan ciidamda Kenya iyo Ethiopia isagoo tilmaamay in ay gacan uga baahan yihiin dadka ku sugan Kenya iyo Etopia in ay gacan siyaan Al-Shabaab .
Maakhir Media Muqdisho
