|

Mark Bodwen “Xaalada Bini Aadanimo ee Somaaliya Waan ka walaacsanahay”

Nairobi-MMedia-QM midoobay aa aka dhawaajisay in Somaali badan oo kumanana gaadhaysa ay ay halis ku jiraan kadib markii ay baadhitaano dhinacyo badan iyadoo ay sheegeen in hadii aan wax laga qaban ay imaankarto mid dhibaato tan kawayn .

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay dhinaca  bini ‘adanimada  mark Bowden dhan ayaa waxa uu walaac ka mujiyay dadka  wali ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia ku waasi  oo isugu darsameen abaaraha iyo dagaalada ka  socda dalka Somalia.

Mark Bodwen  ayaa waxa uu tibaaxay  in 10 kun oo Somalia ay   qarka u saaran yihiin geeri  kuwaasi oo ay saamaysay  abaarta iyo macaluusha wali baaqiga kusii ah dalka Soomaaliya gaar ahaan dadka ku sugan xerooyinka barakacayasha.

U qeybsamaha bini’aadanimada  QM ee dalka Somalia ayaa dhinaca kale sheegay  inay dhibaatadu sii socon karto hadaan wax laga qaban ila 6-da bilood  ee soo socota, waxaana uu intaa sii raaciyay in lasii wado gar garka lasiinayo dadka ku dhibaataysan dalka Soomaaliya inta  laga gaarayo bilaha July iyo august oo la filayo in ay roobabku da,aan dadkuna ay tacbadaan dalaga beeraha.

Somaliya waxaa a taagaan Rafaad ay hadhaysay gaajo iyo macaluul iyadoo ay  kumanaan dad ahi la ildaran yihiin  macaluuul iyo barakac isla markaana ay u baahan yihiin in loo adeego ama Gar gaar lala gaadho ,waxaana taasi ugu darsamay in ay kaba cararaan meelaha qaar oo dagaaladu ka socdaan

Maakhir Media Network

Comments are closed