Aabe wiilkiisi uu dhalay ka dhex iibinaya shabakadda facebook(layaab)
LAYAAB!(MMEDIA) nin udhashay wadanka sucuudi arebia ayaa ku kacay falka yaabiyey inta maqashay aduunka ka dib markii uu aabahaas wiilkiisa oo
beec ah ama uu gadaayo uu galiyey bogiisa Facebook
asagoona ku codsadey wiilkiisa uu yahay iib (he is for sale) uuna ku’iibinayo lacag gaareyso ilaa iyo 20
malyuun oo doollar.
Aabahaan oo udhashay dalka sucuudiga, oo lagu
magacaabo Saud bin Nasser AlShahry ayaa sida ay qortey jariidada ‘Al Sharq’ ee ka soo baxdo dalkaas Qatar oo sida ay
sheegtay jariidadaasi uu u waramay ninkas ayaa maxkamad ku taal dalkaas Sacudigu ay xirtey ganacsigiisii
oo ahaa shirkad soo ururinta deymaha iyadoo kutilmamtay
maxkamaduna
shanaqada ninkaas mid sharci daro ah.
waxaa la sheegay
inuu wiilkiisa beec ahaan u galiyey websiteka Facebook
asagoona ku raadinaayey wiilkas qiimo gaaraayo ilaa iyo 20 malyuun oo doolar.
Ibka wiilka ayaa waxa uu Aabahaan ku macneeyey falkaas uu ku kacay inuu u sameeyey si uu uga
badbaadiyo xaaskiisa iyo gabadhiisa inay ku noolaadaan faqri iyo nolol xun oo liidato,
iyadoona sida la sheegay ay qoloyinka ceyrtu u diideen inay
caawiyaan.
Asagoona lasheegay inay’da’diisu ka weyn tahay 35 sano
da’?daas oo ah xadka u yaala dalkaas in la siiyo kaalmo ama la
caawiyo taasina tahay sababta uu ugu kacay falkani.
Abaha arintaas ku
dhaqaaqay ayaan waxaa la ogeyn sida ay u suuro gali karto
arintaas maadaama uu dalkaas Sacuudigu ay ka mamnuuc tahay
ka ganacsiga ama ibiinta dadka bini’aadanka ah, iyadoo sidoo kalana ay bogaas ama websiteka Facebook ay ka mamnuuc tahay
in lagaliyo xayeysiin noocaas oo kale ah.
Aabahaan oo iibinta wiilkiisa kuxirey sharuuda kaliya ee ah inuu ogaado qofka iibsanaayo wiilkiisa halka ama meesha uu ku nool yahay ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu jeclaan
lahaa inuu arko lacagleeyda carabta ah oo ka caawiyo
dhibaatada lacageed ee soo foodsaartey ninkaas.
Waxana arintani noqotay mid ugu hadal haynta badan dalkaasi, iyo warbaahinta carabta oo sheegay inay sababta kukaliftey tahay lacag la’an iyo faqiirnimo.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
