|

War Deg Dega ah: Ergadii Shirka Taleex oo Ku dhawaaqday Magaca Maamulka iyo Qaabkiisa

Taleex(MMedia) Ergada ka qeybgaleysa shirka ballaaran ee Khaatumo 2 ee ka soconaya degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa goordhow isku raacay magaca uu yeelanayo maamulka cusub ee loo sameynayo deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Afhayeenka shirka Aadan C/laahi Shuuriye ayaa goordhow Raxanreeb u waramay ayaa sheegay in 341 xubin oo ka mid ah ergada shirka ay isku raaceen in magaca cusub ee maamulka laga dhigo “MAAMUL GOBOLEEDKA KHAATUMO EE SOOMAALIYA”.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyey in golaha maamulka uu ka koobnaado qeybaha soo socda:-

1- Golaha sare ee dhaqanka
2- Golaha wakiilada (baarlamaan)
3- Golaha madaxtooyada (maamulka sare) oo ka koobnaan doona saddex gudoomiye oo wareegto ah.
4- Golaha garsoorka (maxkamadaha) oo ka madax bannaan maamulka.
5- Golaha wasiirada (oo ka kooban 6 wasiir)

Shirka ayaa weli socda, waxaana hadda loo dareeray xilliga Salaada Duhur.  Waxaa lagu wadaa in galabta la soo saaro war saxaafadeedka shirka.

Illaa lix maalmood oo dambe ayuu shirku sii socon doonaa waxaana la rajeynayaa in ka dib la soo gabagabeeyo.

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed