|

Suxufiyiintii Shalay la xidhay Magaalada Hargaysa oo dib u helay Xoriyadoodii

Hargaysa-MMedia-Waxaa saacado ka hor la sii dayay wariyaashii maalintii shalay ahayd  ciidamada poliska ay xabsiga u taxaabeen kadib  marki ay cabasho ka hor jeedinayeen Xarunta madaxtooyada Somaaliland .

waxaa goor dhawd la sii dayay koox suxifiyiin ahaa oo isugu jiray wiilal iyo gabdho oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa iyadoo ay ka danbaysay sii danynta wariyaasha  hadalo dhex maray suxufiyiinta iyo Xukuumada Somaliland iyadoo kadibna  la sii dayay  abaaro saacadu markii ahayd bacda duhur.

Kadib markii la sii dayay suxufiyiinta ayaa waxaa  ay la kulmeen wasiirka Arimaha gudaha oo ay kawada hadleen  khilaafkii dhex yaalay iyo xadhigii loo gaystay iyadoo laga raali galiyay xadgudubkii loo gaystay wariyaasha ilaa shalay ku xidhnaa xabsiga dhexa waxana ay noo sheegeen Masuuliyiinta ururka suxufiyiinta ee SOLJA in ay wada haldleen maamulka isla markaan ka wada hadleen in xaalada la dajiyo isla markaan laga wada shaqeeyo danta u mada .

sidoo kale waxaa laga wada hadlay xidhitaanka TV Horn cable oo ay sheegeen in isna la sii dayn doono sida ugu dhakhsaha badan  sida ay noo shegeen  Masuuliyiintaasi .

wariyasha ayaa noo sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin soo daynta wariyaasha ilaa shalay ku xidhnaa  xabsiga dhexe ee Hargaysa ,kuwaasi oo 6 kamid ay ahaayeen hablo kawada tirsanaa TV Horn Cable xaruntiisa Hrgaysa waxaa kaloo kamdiahaa wargaysyada sida Jamhuuuriya ,Gees,Waheen,iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada waxaan u badnaa wariyasha Horn Cable.

Lama garanayo sabaha Suxifiyiintan lo xidhay marka laga reebo cabasho ay ka horjeedinayeen  madxtooyada mooyaan balse waxa war ah oo kasoo yeedhay dhanka dawlada ma jiraan marka laga reebo  wasiirka arimaha gudaha oo ay kulan la yeesheen isna waydaarsadeen in lawada ilaliyo amaanka ay muqadastahay.

Sikastaba maalintii shalay abaara Barqadii ayaa ciidmada maanka xabsiga u taxabeen wariyaal gaadhay ilaa 20  kuwaasi oo ka horjeedinayay cabasho madaxtooyada Somaliland horteeda iyagoo ka cabanayay xidhitaanka loo gaytay TV madaxa banaan ee Horn Cable  ee xarumhiisa magaalada hargaysa oo ay ciidanka Poliska albaabada isugu laabeen  waardiyana ka hayaan .

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed