|

Qurba Joogta Reer Buuhoodle oo Booqday Jiida Hore ee Dagaalka+Sawiro

Shangalle(MMedia) Waxaa maanta booqasho ugu   tagay Ciidamada Reer Buuhoodle ee ku sugan jiida hore ee Baliga Shangolle Wufuud sare oo uu hogaaminayo C/kariin Xasan Jaamaca oo kamid Ahaaa ergooyinkii soo qaban qaabiyey shirwaynaha Khaatumo 2 ee kasocda magaalada Taleex.

Ugu horayn waxay in dhadhayn ku sameeyeen Xoogaga ku sugan Baliga Shangolle ee shalay dagaal ku dhexmaray Somaliland Magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi kalmado kooban ka jeediyey Baliga Shangalle  Qaar kamida qurbajoogta kasoo jeeda deegaanda Sool iyo Cayn  iyagoo ku dheeradaay inay shacabka deegaanada Sool iyo cayn Ay xaq uleeyihiin inay is difaacaan cidii dhimata ay tahay Shadiid.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo culimada maamulka waqooyiga Soomaaliya Inay ku wacyi geliyaan horjoogaha maamulka hargeisa dhibaatada ay leedahay dulmiga lagu qaado cid aadan wax ku lahayn iyo weliba inuusan marna guulaysanayn Dulmigu.

iyagoo dhanka kala xaqiijiyey in shacabka Deegaanada Khaatumo State aysan Rajo danbe ka sugay maamulada Hareeraha. hadii waxkasta dhacaana aysan dib ugu laaban doonin.

Ugu danbayn ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Dawlada Federaalka Soomaaliya C.kariin Xasan Jaamac wuxuu ugu horayn utacsiyeeyay dadkii dhimashadu kasoo gaadhay dagaalka Ciidamada Milatariga Somaliland ay kusoo qaadeen shacabka magaalada Buuhoodle , kuna doonayeen inay ku qabsadaan magaalada Buuhooodle ee Xarunta gobolka Cayn.

waxa uu ugu baaqay hogaamiyaha maamulkaasi inuu faraha kala laabto tixgeliyana rabitaanka shacabka Deegaanada Khaatomo State, waxa uuna xusay inaysan suurta gala ahayn in si khasab ah cidna loogu khasbi karo meel ay san doonayn.

Sidoo kale waxa uu xusay inay dhamaatay xiligii lakala jiidan jiray Shacabka deegaanada Khaatumo State ayna imika samaysteen maamul madaxbanaan kaas oo si rasmiya uhoostageya Dawlada Soomaaliya.

Ugu danbayna waxa uu ugu baaqay Madaxda dawlada sare ee soomaliya inaanu war saxaafeeed laga soo saaro meel dad lagu laayey aanu waxba tarayn hasa ahaatee ay wax qabadkeeda kaga aadan kaqayb qaadato. waa sida uu hadalka u dhigaye

Daawo Sawirada

 

Maakhir Media Shangale.

Comments are closed