|

Maamulka cusub ee looga dhawaqay khaatumo2 iyo waxa uu kusoo kordhin karo deeganada sool, sanaag,iyo cayn.+warbixin

NAIROBI(MMEDIA)shirkii mudada kasocdey deganka taleex kaasi oo aylahayeen waxgarad iyo bulshaweynta goboladda sool,sanag iyo cayn ayaa galabta waxaa looga dhawaaqay mamaul gobeeled katalin doona goboladaasi.

Maamul goboledkan ayaa waxa loogu magacabay maamul goboleedka khatumo state of soomaaliya, waxana lasheegay inuu maamulkani lahaan doono gola baarlamaan iyo golaha dhaqanka, kaasi oo kakooban wasiiro tiro yar.

Maamulku wuxuu yeelan doonaa Golaha Duqeyda, Golaha Wakiillada iyo Wasiiro ay Madax u yihiin saddex Madaxweyne oo ku wada jira Golaha Madaxtooyada.

Waxa lagu dhawaaqay Sadexda Madaxweyne midba mar uu xilka heynayaa oo waa meerto aytahay, waxana aytahay markii ugu horaysey maamul ugaara looga dhawaaqo gobolada oo mudodher kajiren isxabsi iyo inay kudagaalaman maamulada puntland iyo soomaliland.

Intabadan go’aanka kasoobaxay shirka khaatumo2 ayaa ah mid aysan marna qaadanayn maamulka soomaaliland oo ayaga kuhanjabaya inay gacanta kuhayan goboladaasi ayna yahiin gobolo katir san maamulkooda.

Gobolada ssc oo mudo kataagnayd dagaal udhexeeya somaliland iyo puntland ayaa waxa uu hada umuuqda inay markii ugu horaysey go’an wada gareen beelaha goboladaasi daga kaas oo aykaga tashan doonan danahooda, ayahooda, iyo mustaq balkooda.

Hase ahaatee waxa dadka badankooda qabaan talaabada uuqaadayo maamulka cusub ee lasoodhisi doono, ayadoona goboladaasi ay qarkamid ah gacan kuhayaan maamulka soomaaliland.

Waxaa uyaala arin aad,uculus oo ayugu wayntahay midaynta dadka kaladuwan oo indhahooda aysan arag maamul ugaara ayna intooda badan kudhex noolaayeen isqabsiga labada maamul ee dariska la’ah.

Waxaan layska indho qarinkarin inmamulka soomaaliland uu san marna kufarxidoonin maamulkani oo horayba ugu dhawaqay dagaalka dhan ah shirkani, waana sababta keentay in maamulka soomaliland dagaal kusooqaado gobolad aydagan yahiin beesha dhulbahante.

Sikasta waxa dadka iyo beesha deeganada aysugayaan go’anka ayqaadi doonto maamulka dhawan losoodhisayo, iyo goorta lasoodoran karo maamulkani.

Gaba gabadii inta badan beesha dhul bahante ayaa hada kamidaysan inay samaystaan maamul ugaara,ayadoona shirka loga dhawaqay maamul goboleedka soomaaliyeed ee (khaatumo state) goob joog ka’ahayen odayaasha beelaha iyo waxgaradka dhulbahante.

Waxana sidoo kale goob joogka ah rag siweyn magac ugu leh soomaaliya oo aykamid yahiin, cali khalif galayr oo Ra’iisul wasaare kanoqday dowladdii carta ee dalka somalia ‘iyo jamac xasan khalif oo kamid ahaa musharaxinta dhowr jeerka qeyb galay tartanka madaxweyne ee soomaliya, iyo rag kale oo aykamid yahin qarkatirsan barlamanka somaliya.

Hadaba waxaa uu maamulkani kamid noqon doonaa maamulada goboleed kajira gudaha dalka soomaliya,kaasi oo hoos imaada dowlada dhexe.

W.Q. Wariye mohamed abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed