Caruur Agoon ah oo Dhar loogu qaybiyay Magaalada Bosaso
Bosaso(MMedia) Ururka Daryeelka Bulshada ayaa waxaa uu maanta Dhar uqaybisay Curuurta Agoonta ee Magaalada Boosaaso.
Dharkaan oo Gacanta loo galiyay ururada Awko iyo hoodo ayaa waxaa ay Uqaybiyeen Caruur agoon ah oo laga kala keenay labo Dugsi ama iskool oo caruurtaasi wax lagu baro.
Dharkaani uu ururka daryeelka Bulshadu uu uqaybiyay Caruurta agoonta ah ayaa waxaa ay ka koobnaayeen saraawiil iyo funaanadu iyadoo Dharka badankiisana loogu tala galay Gabdhaha hase ahaatee wiilal yaryara oo agoona iyagana wax lagasiiyay.
Munaasab balaaran oo Ururka Daryeelka Bulshadu uu Dharka ku wareejinayay ururada Hoodo iyo Awko oo iyagu Masuul ka ah Caruurataan Agoonta ayaa waxaa ugu horayn ka hadashay Faadumo Nuur “Maama Africa” oo ah Gudoomiye kuxigeenka Ururka Awko ee Gobolka Bari waxaa ayna Sheegtay inay uga mahad celinayso Ururka Daryeelka Bulshada sida ay utaakulaynayaan Caruurtaan Agoonta ah iyadoo dhanka kale sheegtay in Qofkii wax yar kusiiya uu wax badana kusiin lahaa hadii uu kuu helayo.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha ururka Hoodo Faadumo waxaa ayna sheegtay in ururada Hoodo iyo Awko ay isku hawleen sidii ay u aruurin lahaayeen caruurta agoonta ah ayna udiiwaan galin lahaayeen isla markaana ay wax ubari lahaayeen iyadoo sheegay in ay taas u tahay qaybta kagasoo aaday wax kaqabashada dhibaatada Soomaaliya.
Gudoomisada Ururka Hooda ayaa waxaa ay ugu baaqaday Maamulka Gobolka iyo kan Puntland in ay kaqaybqaataan wax tarka ilmahaasi Agoonta ah iyadoo sheegatay in ay ubaahan yihiin in Indha dheer lagu kaqbo Macalimiinta Caruurtaasi wax bartana wax lasiiyo waa sida ay hadalka u dhigtaye.
Isuduwaha Ururka Daryeelka Bulshada ee Gobolka Bari Axmed Yuusuf Galanoo isna ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ururku uu utaagan yahay wax uqabasha agoonta iyo darbiya jiifka ah waxaa uuna intaasi ku daray in sharci lagu hagayo arimaha agoomaha iyo darbiya jiifka lana rabo in lagas Sharciyeeyo ama laga ansixiyo Barlamaanka ayna jiri doonin Ilmo layska kaxaysto ama lagu Xareeyo meelaha agoonta sharci la’aan.
Iskuduwaha ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in Caruurtu ay helayaan daryeelkooda oo isku jira hoy cunto iyo waxbarasho.
Ururka Daryeelka Bulshada ayaa waxaa uu yahay mid inta badan ka Shaqeeya arimaha Caruurta gaar ahaan kuwa darbiya jiifka ah iyo kuwa agoontaa tanina waxaa ay marag u noqonaysaa sida ay iskugu hawlayaan u adeegida Caruurta yaryarkaa ee tabaalaysan.
Maakhir Media Office News In Puntland.
