|

Ciidamadda itoobiya oo manta islama filaana xabsiga utaxaabay qarkamid ah masulinta ahlusuna iyo dooxada shabeele.

NAIROBI(MMEDIA)masuulinta ciidanka Milatariga ee Dowlada Itoobiya ayaa waxay saacado ayxuriyada ka qaadeen labada
masuul ee ugu kala sareya Mamulada Ahlu Sunna iyo Dooxada Shabelle ee Gobolka
Hiiraan.

Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ayaa waxay dib u sii dayen Madaxweynaha
Maamulka Dooxada Shabelle Mudane C/Fataax Xasan Afrax iyo Gudoomiye ku Xigeenka Golaha
Fulinta ee Ahlu Sunna WalJameeca ahna Gudoomiyaha Ahlu
Sunnna ee Gobolka Hiiraan Sheekh Cawaale Cabdulle Aadan.

Ciidamadda Itoobiya ayaa waxay labadaan masuul ay ka qaadeen
xuriyadooda, ka gadaal markii shalay galab ay kudagalamen
duleedka Magaaladda
Baladweyne, kadib markii maal-mihii ugu dambeysay ay ka dhex
taagneyd.

Shir jaraa’id oo ay saxaafadda ugu qabteen Magaaladda
Baladweyne, ayaa waxay labaduba sheegeen inay ka xun
yihiin dagaaladii ku dhex maray duleedka Magalada Baladweyne , waxay kaloo sheegen inaysan u xirneyn
Ciidamadda Itoobiya, balse ay kala hadleen arrimo ku saleysan
ammaanka.

Gudoomiye ku Xigeenka Golaha
Fulinta ee Ahlu Sunna Wal Jameeca ahna Gudoomiyaha Ahlu
Sunnna ee Gobolka Hiiran Sheekh Cawale Cabdulle Aadan, ayaa
wuxuu tibaaxay inay ka xun yihiin dagalada ay Maamulka Dooxada Shabelle kula galleen
duleedka Magaaladda
Baladweyne, isagoo beeniyay inay xireyn Ciidamadda Milatariga
ee Dowladda Itoobiya, hase ahaatee wuxuu sheegay inay
kala hadlayeen arrimaha ammanka ee Gobolka sida uu
yiri.

Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle Mudane C/
Fataax Xasan Afrax, ayaa wuxuu isaguna uu muujiyay inay ka xun yihiin dagaladasi, ayna ku dhaceen si kedis ah, isla-
markaana wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan u xirneen
Ciidamadda Milatariga ee Itoobiya, balse sida uu yiri ay ammaanka ka arrinsanayeen.

Talaabadan ayaa ah mid ciidamada itobiya kaga hortaga yaan isxabsiga mamul dhexdoda , ayadoona itabadan aydhacdo iskahor imaado udhexeya ciidamada kala tabac san maamulada.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed