|

Ciidanka Poliska oo maanta u taxaabay Xabsiga in kabadan 20 wariye iyo Wasiir Duur oo Ruqsadii kala noqday TV Horn Cable

Hargaysa-MMedia-Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay 20 wariye oo ka kala hawl gala TV horn cable iyo warbaahinta kala duwan ee Somaaliland kadib markii ay ka mudaharaadeen  habeenki xalaya haa markii ay ciidamada Somaliland albaabada isugu laabeen Xarumaha TV Horn cable ee magaaalada Hargaysa.

Wariyaasha ayaa isi soo hor dhoobay madaxtooyada Somaaliland iyagoo sheegay in ay ka xun yihiin xidhitaanka Tiifigooda  ku timi islamarakaana ay wariyaasha  kala qayb qaadanayaan  xidhitaanka TV kadib waxaa goobta so o gaadhay  ciidamada poliska oo  qab qabtayu wariyaashi mudaharaadka waday waxaan ay xabsiga u wada taxaabeen  dhamaan wariyaashhii halkaasi joogay .

Dawlada ayaa ka hadlashay xadhiga loo gaystay   wariyasha taasi ooo ay tilmaameen in ciidmada Somaliland ay ku haboonaayeen in ay qabtaan balse ay sheegen in  wariyaasha ay  khalad ku socdeen taasina la marinaayo sharciga sidaasi waxa yidhiw  masuuliyiinta dawlada oo saxafada la hadlaysay.

dhanka kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadlay xadhiag wariyaashasi isago sheegay in  ay mudan yihiin in la qabto wariyaasha  taasi oo sabab  ay u tahay iyagoo mudaharaad qaaday kadib markii aanay ka fasax qaadan wasaarada arimaha gudaha Somaliland,isla markaana ay sameyeen in ay is hortagaan  xarunta madaxtooyada Somaliland tassina ay khald tahay loona baahna hadii ay wax tabanayaan in  ay wasaarada yimaadaan.

sidoo kale wasiirka ayaa  ruqsadii ka qaaday TV Hotn cable  oo uu kaga hawl gali jiray dhamaan  gobolada dalka oo dhan ilaa amar danbe waxana uu ku macneeyay in ay sameeyeen khaladaad danbe .

Ruqsad ka qaadistan iyo xidhitaanka wariyaasha ayaa imaanaya xili maalinti shalay madaxwaynaha somaliland uu khudadiisii sanadla ah ku dhex jirtay in TV Horn cable uu ka dul talaabsaday sharcigii dalka ,taasina keentay in xalay ciidan ka pliska oo aan wadan  wax cadaynaya in ay soo xidhaan Tv ay albaabda isugu dhuffteen .

lama garanayo xiliga lasoo dayn doono xoriyrada wariyasha xidhan iyo tv  ay xidhintaanka ku soo rogtay Xukuumada Somaaliland Somaliland waxaana si aada u lafa guraya arimahaasi iyo xidhitaanka wariyaasha   wakaalada u dooda saxaafada oo sheegay in aan lagu deg degen  xidhitaanka wariyaha .

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed