Ciidamda Somaliland oo Buuhoodle Laga Saaray
Hargaysa(MMedia) Ciidamada Somaliland ee saaka qabsaday Magaalada Buuhoodle ayaa dib looga saaray waxana hada gacanta ku haya Ciidamada beesha Dhulbahante kuwaasoo isaga soo gurmaday Dhamaan deegaanada ay degaan
Labada Ciidan ee dagaalku ku dhexmaray Magaalada Buuhoodle ayaa isku horfadhiya meesha loo yaqaan Shangole oo 8km xaiaga galbeed kaga beegan Magaal;ada Buuhoodle
Dagaalkan ayaa gaystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba waxaana khasaarooyin soo gaadheen guryihii Magaalda iyo Kaalmo shidaal oo gubanaysa waxaanay haleelay Madaafiic ay soo rideen Somaliland
waxa kale oo wararku ay sheegayaan in Ciidamo lagu qiyaasay ilaa 5000 oo gurmad ah oo ka socda Beesha Dhulbahante ay soo gaareen Magaalda waxaana Magaaladu la ciir ciirysaa Ciidamo waxaanay u badan yihiin kuwo aan tikniko wadan madaama tiknikadii reer buuhoodle la geeya shirka Taleex
Dagaalakn oo aan la filayn ayaan la garan karin halka uu ku danbayn doono waxaana ilaa hada aan muuqan wax waan waan ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadan sii kululaanaysa
Maakhir Media Boosaaso
