|

Dowladda kenya oo duqeyn kudishey caruur degmada jilib ee gobolka shabeelada hoose.

Nairobi(MMEDIA)Wararka naga soogaaraya degmada jilib ee gobolka shabeelada hoose ayaa kuwaramaya in halkaasi duqeymo xoogan on ciidamada kenya kagaysteen aykudileen ugu yaran 5-caruur ah oo guri wada joogey.

Gantaal ayaa wuxuu ku soo dhacay guri ku yaalla Degmada Jilib, oo la-sheegay inay ku sugnaayeen ilaa dhawr caruur ah, kuwaa oo la-tilmaamay in labada waalid ee dhalay ay ka maqnaayeen guriga, isla- markaana waxaa la-sheegay in shan caruur ah ay goobtaasi kudhinteen.

Todobo ruux oo kale oo caruur u badneyd, ayaa waxaa la-sheegay inay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, kuwaa oo qaarkood laga deyrinaayo dhaawac yada soo gaaray, isla- markaana laba ka mid ah dadka dhawacmay ayaa waxay ka burbureyn lugaha iyo gacmaha.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dadkii dhaawacmay ay gurmad u soo fidiyeen dadka halka deeganka iyo Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Degmada Jilib, isla-markaana waxaa goobtaasi ka dhacday arin murugo leh.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in diyuuradaha dagalada ee Dowladda Kenya ay markale soo rogaal celiyaan, iyagoo markaasi doonaaya inay duqeymo hor leh ka geystaan Degmada Jilib, oo ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab.

Majiraan wax war oo kasoobaxay kenya inkasto duqeymo horay ay’ugu dishey dadrayid ah ay’iska fogaysey inayleedahay masuuliyadeeda.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed