Horn TV cable Xarumihii uu ku lahaa Hargaysa oo albaabada loo laabay Caawa
Hargaysa-MMedia-Caawa fiidkii waxaa albaabada loo laabay Xarumihii Tv Honcable ee magaalada Hargaysa kadib markii ay ciidamda Poliska yimaadeen labada xarumood ee TV-gu ku leeyahay Magaalaada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo polis ah ay soo galeen labada xarumood iyagoo amar ku bixyay in ay shaqaalaha kasoo baxaan xarumaha iyadoo ay al baabada u laabeen shaqdiina joojiyeen.
Maamulka TV Horncable ayaa wali wax wara kasoo bixin inkastoo aan isku daynay in aan la xidhiidhno balse aanay noo suurt galin ,waxaana wararku sheegayaan in Tv- uu hawada ku jiro laakin Barnaamijyada ay socdaan Balse aanay jirin wararkii .
Xidhitaanka Tv-ga yaa imaanaya kadib markii manta uu madaxwaynaha Somaliland ka khudbadsanadeedkii uu ka hor jeediyaay Golaha wakiilada iyo Guurtida in TV Horncable uu yahay mid duminaya qaranimada isagoo uu sheegay in Tv uu sii daayo Barnaamijyo borobagaanda ah.
Maakhir Media Hargaysa.
