Madaxwaynaha Somaliland oo ka jeddiyay Khudbadii Sanadlaha ahayd Golaha Guurtida iyo wakiilada Horteeda +Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Hargaysa-MMedia-Madaxwaynaha Somaaliland ayaa manta hortagay labada Gole wakiilada iyo Guurtida isagoo Halkaasi ka soo jeediyay khudbad sanadeedkii waxaana uu kaga hadlayay arima badan oo dalka ka soo cusboonaaday iyo Hurmarka dalka ku talaabsaday,siyaasada Debeda iyo Ajandaha Sanadka Cusub.
Khudbad sanadeedka uu manta ka horjeediyay ayaa waxa si aada uga hadlay sanadkii tagay waxyaabihii kala duwanaa ee dawlada u qabsomay ,Xaaladaa iminka dalku ku jiro iyo siyaasada debeda isagoo si aada uga waramay waxqabadka dawalda u qabsoomay sanadkii tagay 2011 .
Madaxwaynaha ayaa ku hormaray Waxqabadka wasaaraha waxaana uu ka halday waxqabadka ay qabteen isago ku tilmaamay in wasaaraduhu ay qabteen wax lagu amaano sida wasaarada caafimaadka ,Beeraha ,Waxbarashada,Warfaafinta,Arimaha Gudaha ,Ganacsiga,Maaliyada ,Duulista hawada ,Shaqada iyo shaqaalaha,iyo dhamaan inta kale ee wasaaradaha.
Madaxwaynaha khudbada uu ka jediyay labada Gole ayaa ahayd mid dhinacyo badan taabanaysa isagoo sidoo kale ka hadlay siyaasada Debeda iyo wixii uga qabsoomay waxaana uu sheegay in meel wanaagsan ay marayso iyo sidoo kale aqoonsiga Somaliland aanay wali ahayn balse meel wanagsan uu marayo.
Waxaa kaloo uu ka hadlay Madaxwaynuhu xaalada dalka ku soo cusboonaaday isago ka hadlay Shirka Taleex waxaana uu sheegay in shirkaasi ahaa mid ay aayahooda iyo masiirkooda kaga tashanayanayeen isagoo ku bilaabmay si nabada balse ay soo dhex galeen Qolo fidma wayalayaal ah kuwaasi oo doonaya inay majarahabaabiyaan isla markanaan doonayaan in ay siyaasada iyo Gooni isutaaga is hortagaan kana yeeli mayno dadka is hortaagaya Qaranka Somaliland.
Gaba gabadii khudbada Madaxwaynaaha yaa ku so dhamaatay isagoo si aada uga hadlay waxqabadka dawalada iyo hurumarka ay ku talaabsatay isagoo timaamay in sanadka cusbna ay wadaan siyaasad cusub oo ay soo kordhinayaan.
Waa markii labaad ee uu madaxwaynaha Somaaliland ka horjeediyo Khudbadiisa Sanadlaha ah ee sanad walba uu ka jeediyo labada Gole isla markaana uu kaga hadlo waxyaalaha sanadkaasi u qabsoomay.
Makhir Media Hargaysa.
