|

MR,Cameron iyo boqorka cabdulaha dalka sucuudiga oo kawada hadlay arimaha burcad badeeda wadanka soomaaliya.

NAIROBI(MMEDIA)David Cameron Ra’iisul wasaaraha wadanka engshka oo safar ku jooga wadanka baqortoyada sucuudiga ayaa wuxuu shir balaaran uu la-yeeshay Boqorka Wadanka Sacuudi Carabiya Abdullah bin
Abdul Aziz, waxayna ka wadahadleen dhawr qodobo oo ay kamid tahay, la-dagaalanka kooxaha burcad badeeda ee
Soomaalida.

MR,David Cameron ayaa wuxuu hoosta kaxariiray inay guulo
waaweyn ka gaareyn kooxaha burcad badeeda ee Somalia,
isagoo intaasi ku daray inay yaraadeen weeraradii burcad
badeeda iyo in burcad badeeda la-weeraro oo korortay, sida uu
yiri.

Ray’iisul wasaaraha wadanka britan wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Midowga Yurub ee Nato, ay si
weyn u fashiliyeen dhawr weeraro ah oo ay burcad badeedu ku doonayeen sida uu
yiri, inay ku qabsadan maraakiib badan.

Mr,David Cameron iyo Abdullah bin Abdul Aziz oo labaduba shir
jaraa’id bahda saxaafada ugu qabtay magalada Riyadh, ayaa waxay ku soo hadal-qaadeen la-
dagaalanka lagula jiro kooxaha burcad badeeda ee dalka soomaaliya, waxayna sheegeen inaysan ka
nabad gallayn khatarta culus ee ka imaaneysa burcad badeeda Soomaalida.

Warbaahinta dalka sucuudiga ayaa sheegtay inay inay labada masuul sidoo kale kawada hadleen qalalaasaha dalkasi suuriya kadagaan sidii loogahortagi lahaa, waxana aysheegen inay tahay iskuday loogu digayo madaxweynaha dalkaasi suuriya inuu talada wareejiyo.

Waxana sidoo kale aykawada hadleen in wadanka sucuudiga tageero arimaha ladagaalanka burcada oo khatar ku ah arimaha ganacsiga sucuudiga.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir media Network.

Comments are closed