|

Warbixin lagu shegay inay magaaloyin katirsan puntland kafaa’ideen burcad badeeda.

WARBIXIN(MMEDIA)warbixin iyo daraasaad lasemeeyey ayaa lagu sheegay in burcad badeeda
soomaaliya ay u hor seedeen qaybo ka mid ah dalka soomaaliya hormar balaaran oo
dhanka dhaqaalaha ah, sida ayshegtay hay’ada British think-tank Chatham
House, oo faah faahinteeda waxa ay inta badan lasocdey
sawiro dhanka artin ah.

Dhaqaalaha burcad badeeda ayaa waxa lasheegay in magaalooyinka waweyn ee gobolada ,magaaloyinkaasi oo
lagu sameeyay maal galin xoogan,oo ah lacag ka timid burcad
badeed sida ku cad daraasadani cusub.

Anja Shortland oo haweenayda qortay warbixinta ayaa waxa ay isticmaashay
sawiro satalaayd uu heerkiisu sareeyo
ahna kan la adegsado maalinkii iyo satalaydka wax sawira xiliga habenkii.

Waxana baritaanka waday ilaa iyo laga
soo bilaabo 2000,
Sawirka dhanka lagu qaaday satarlayt goor
habeenkii ayaa muujinaya in si’aad ah ay sare u kaceen nalalka xiliga xiliga habeenkii ka shidan
magaalooyinka sida darasaaadka lagu sameeyey.

Waxana kamid ah magaaloyinka Boosaaso garowe cadaado oo intooda badan burcada lagu arko si’aad ah kana tirsan maamul goboleedka Putlan halkaasi oo inta badan saldhig u ah kooxaha burcad
badeeda.

Sawirada ayaa muujinaysa daraasadu
leedahay in uu batay isticmaalka korantada sababtuna ay tahay
hormarka dhanka dhaqaalaha ee
yimid burcad, waxa Daraasada cusub ee ku saabsan dhaqalaha ay soo kordhiyeen
burcad badeed ayaa sidoo kale farta ku fiiqaysa in isticmaalka
nalalka iyo korontada ku sii kordhaya Boosaaso iyo Garawe.

Sawirada dhanka satalaytka ee laqaaday maalinkii ayaa sida
daraasada ku cad waxa aymuujinayaan in laga soo bilaabo
2002-dii ilaa iyo 2009-kii , ay si’aad ah u kordheen dhismaha cusub, ee laga dhisayo magaalada Garawe iyo waliba hormar balaaran oo dhanka ganacsiga ah oo ka
taaba galay magaaladaasi.

Warbixinta waxa ay inta kudartay inay dhismooyin badan ay ka socdeen ilaa xiligaasi magaalada Garawe markaana banaanka dhismaha ay ku baakin garaysan yahiin,gawaari aad u tira badan taasi oo muujinaysa dhaqalaha meesha yaala.

Waxa darasaadka aysooqada tay degmoyinja cadaado, Hobyo, ayl oo sida la sheego xarun u ah burcada badeeda oo anan wax horumar ah uga siimuuqan sida daraasada ku cad.

Hay’ada British think-tank Chatham House, ayaa muujinaysa
in lacagta madax furashada ah ee ay burcad badeeda ka
qaataan maraakiibta ay afduubtaan ay dad aad u tira badan qaybsadaan taasi oo
dhaqaalaha goobaha ay ka soo jeedaan kobcisay.

Warbixinta ayaa dhanka kale waxa saamaynta lacagta burcad badeed ku tilmaamtay in aytahay qiimaha badecoyinka oo si’aad ah u kordhay islamarkaana sicir
bararka uu heer sare gaaray.

British think-tank Chatham House oo ah hay’ada samaysay darasaadka, ayaa soo jeedinaysa in xalka burcad badeeda uu yahay in birriga lagula dagaalamo isla markana dowlada maamul goboleedka Putland qaado talabo kadhan ah arintani, wax badana ay ka
qabato.

marakiibta caalamiga ee kusugan gacanka cadmayd ayaa adkeeyay in ay kooxaha burcad
badeeda ay weeraro cusub qaadaan walow ay jiraan afduubyo mararka qaar dhaca, taasi oo lagu tilmaamay inaysan waxii howshoda ahayd qaban ciidanka Nato.

Mohamed Abdulahi Khalif(shine)
codka26@live.com.

Maakhir Media Network.
Webmaster@maakhir.net

Comments are closed