|

Garaadada Beesha Dhulbahante oo Qalinka Ku duugay Inay Yeeshaan M/Gobleed u Gaara

Boosaaso(MMedia) Garaadada Dhulbahante ee madasha fadhiyey maanta oo guud ahaantood dhamaa ayaa waxay qalinka ku duugeen codeyntii iyo go’aaankii hore ee fadhiyey, qodbadaha oo lagu bilaabay mid mid ayaa waxaa ugu soo horkacay Garaad Saleebaan garaad Maxamed ayaa sheegay inuu tageersan yahay shirweynaha iyo maamul goboleedkaba

Taasina waxay meesha ka saray tuhunkii ahaa inaan Gaaradada Beesha raacsanayn Maamul Goboleedka lagu dhawaaqay waxaanay arinkani imanayaa ka dib markii Gaaradadu shir albaabadu u xidhan yahay lahaayeen Maalmmihii ugu danbeeyay

Qalin ku duugistan ay maanta garadadu Qalinka ku duugeen ayaa ah mid ay is daad raaciyeen madaama dhamaan Bulshada deegaankaasi ka Go,an tahay inay yeeshaan Maamul Goboleed u gaara waxaanay ka badbaadinaysaa inuu dhexdooda tuhun yimaado waa beesha Dhulbahante, e waxaanay tani u horseedi doontaa Go,aankii ugu horeeyay ee ay ku midaysan yihiin mudo hada laga joogo 111 sano

Hadaba waxa la sugaaba waa cidii Maamulka Cusudb gadhwadeenka ka ahaan lahayd iyo sidii loola shaqayn lahaaba madaama Maamulku sugayso howl adag oo u baahan sidii looga bixi Madaama deegaamada Maamulka cusub loo samaynayaa ay ka tirsan yihiin Siyaasiyiin ka mida  S/land iyo P/land

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed