|

Qayla dhaan biyo La’aaneed kasoo yeedhaysa Degmada Xingalool ee Gobolka Haylaand

Xingalool-MMedia-Wararka ka imaanaya Gobolka Haylaand ayaa sheegaya in biyo la’aan laga soo sheegayo Gobolkaasi iyadoo magaaloyinka iyo dhulka deegaanka ay ka jirto qayla dhaan aad u wayn oo ku aadan biyo la’aantaasi.

Deeganada hoostaga wadankaasi ayaa waxaa kasoo yeedhaysa biyo la’aan aad u xoogan sida magalaada Xingalool iyo dhamaan deeganada ku teedsan iyadoo ay sheegeen dadka deegaanka in ay jiraan  wax biya ah oo ay helaan sidoo kalena ay gudheen ceelashiii biyaha badnaa balse ay jiraan kuwo laga helo Goror ama waxyar oo biyaha oo aan dadka ku filnayn.

Iyadoo aanu ka da’in Gobolka Haylaand  Roobkii dayrta ayaa waxaa si aada usoo yeedhaysa qayla dhaan ku aadan Abaar iyo biyo la’aan halkaasi ka jirta waxaan sidoo kale  qalalay dhirtii iyo baadkii xoolaha ay cuni jireen,.

Maayirka magaaalada Xingalool Yuusuf Jaamac Siciid ayaa sheegay in ay dadka haysto biyo la’aan iyo Abaar aad usaanaysay dhamaan deeganada degmada hoostaga  waxaan auu sidoo kale sheegay in dhamaan ceelashii ay biyihii ka yaraadeen taasina keentay in dadkii biyihii ay ka qayliyaan .

Maayirka ayaa sidoo kale ka hadlay Riigii Magaalada oo yareeyay biyihii taasi oo uu ku tilmaamay in booyado badan ay ka dhaamiyaan oo gaynaya deegano iyo magaaloyin kala duwan isla markaana aaanay ku filnayn  biyahaasi.

Gobolka hayland iyo Sanaag ayaan waxaan ka da’in Roobkii dayta ee sanadkiiba xiliyadan oo kale da’a taasi oo keentay in ay  shacabka Gobolkaasi ay ka qayliyaan qayla dhaana ay dirayaan iyadoo deegaanada ama dhuldaaqsinta ay jirto abaar xoogan oo ay geedi qalaleen.

Maakhir Media Xingalool.

Comments are closed