|

Human Right Watch oo soosaartay warbixin kadhan ah tacdiyada ciidamada kenya kageystan dadka qaxoontiga waqonyi bari kenya+warbixin

WARBIXIN(MMEDIA)Qoraal warbixin aysoo saartay Hay’ada Human Rights Watch ayeyku eedaysay ciidamada amaanka ee dalka Kenya in ay tacadiyo iyo jirdilba ugaystaan dadka gobolka Waqooyi bari.

Human Rights Watch ayaa waxaay
sheegay in ciidamada amaanka iyo kuwa militeriga Kenya ay u
gaystaan xarig ,garaacid iyo tacadiyo kale muwaadiniinta
Kenyanka ah iyo dadka ku jira xarooyinka qaxootiga ee Dhadhaab”Dadab” ee gobolka Waqooyi bari.

warbixinta Human
Right Warch aysoo bandhigtay oo kakoobnayd 12-page waxa lagu sheegay inay bishan January -11-da ka dhacday
magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi bari,halkaasi
oo ay ciidamada amaanka inta ay dad isku xirxireen ay garaaceen, dadkaasi oo lagu eedeeyay in ay u soo dhawaadeen xarada militeriga ee Garissa.

Masuulka Human Right Watch u qaabilsan qaarada africa Daniel Bekele, waxa uu sheegay in marka militeriga ay maalin cad garacayan dad rayid ah iyaga
oo aanan ka cabsi qabin ciqaab in taasi ay tahay mid cadaynaysa in isla xisaabtamid la,aanta ay noqotay mid caadi ah.

hay,ada Human Right W, ee u doodaxuquqta aadnaha ayaa waxa
lagu sheegay in tacadiyada ugu daran ay ka dhaceen xarooyinka qaxootiga ee Dadab halkaasi oo
hoy u ah 460,kun oo qaxooti soomaali ah .

Human Right Wacht ayaa sheegtay in qarax ka dhacay 5-dii
bishii December oo uu ku dhintay askari booliis ah,taasi oo
horseeday in la xiro dad badan isla markaana qaraxyo kale oo ka dhacay 19-kii iyo 20-kii bishii
December xerooyinka kaasi oo lala beegsaday gaari booliis ay ciidamada amaanka si caro leh
uga jawaabeen isla markaana aygaraceen dad badan ayna jiraan
kufsi loo gaystay qaar ka mid ah haweenka xarooyiinka.

Human Rights Wacht waxa aysheegtay inbaadhitan dhawan aysameyen golaha imaamka iyo ducaada dalka oo baaritaano ka sameeyay xerooyinka ayaa waxa ay sheegtay in ugu yaraan xarooyinka lagu kufsaday 7-haween ah ka dib qaraxyadii ka dhacay xerooyiinka.

Human Right Watch waxa ay’inta kudartay in dadrayid ah oo safaro ku’ahaa kenya si’arxan daro lagu garacay gudaha waqoyi bari dalka kenya.

Yusuf Khalif Mohamed oo waqoyi bari kugan ayaa sheegay inuu uyimid askari militeri ah isla markaana uu ku qasbay in xerada militeriga uu galo isaga oo lagu qasbayay in uu galaangasho isla markaana ay
garaacayeen meel waliba oo jirkiisa ka tirsan , Maxamed ayaa
u sheegay Human rigts Watch in mid ka mid ahaa askartii jir dilka u gaysanaysay uu yiri waxa aad
tahay Alshabaab waxa aad nagu dhibaysaa soomaaliya hadana
waxaa aad timid halkaan si aad
noo dhibto.

Dhanka kale hay’ada Human Right Wacht oo wax ka waydiisay tacadiyada ka dhacay
xerada militeriga Garissa afhayeenka militeriga dalka Maj.
Emmanuel Chirchir, ayaa waxa uu sheegay in dadka lagu xiray
xerada militeriga su,aalo lawaydiinayay isla markaana la
baarayay isaga oo sheegay in dadkaasi ay isku dayayeen in
dhismooyin sharci daro ah ay ka
dhistaan meel u dhaw xerada militeriga .

Human Rights Wacth ayaa ugu dambayntii warbixinteeda waxa
aykusheegtay in ciidamada amaanka Kenya ay xaq u leeyihiin walaacooda
weerarada Alshabaab balse loo bahanyahay in baaritaano
sameeyaan isla markaana aysan
wax soo kordhinayn in jir dil iyo tacadiyo loo gaysto dadka
muwaadiniinta iyo dadka xerooyinka qaxootiga waqoyi kenya.

Warbixintan waxa ay’imanaysa ayadoo ciidamadda kenya jirdil iyo dacyo aygeysten gudaha xeryaha kadib markii qaraxyo lagu bartilmamed saday.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed