|

Waxaa Maanta magaalada Hargaysa lagu Aasay Marxuum Aadam Mire Waqaf oo dhawaan ku geriyooday wadanka Maleesiya

Hargaysa-MMedia-Waxaa maanta  Magaalada Hargaysa lagu aasay marxuum aadam mire waqaf oo dhawaan ku dhintay wadanka maleesiya kadib markii halkaasi lo geeyay in lagu daaweyo.

Marxuumka ayaa waxaa loo sameyay Aas Qaran  iyadoo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada ,Mucaaradka iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada waxa sidoo kalena goob joog ahaa eheladiisa ,Aaska ayaa ka dhacay xabaalaha Naasa Hablood e Magaalada Hargaysa.

Kadib markii geeriyooday Marxuumka Wadanka Maleesiya ayaa waxa loo soo qaaday magaalada Hargaysa  si loogu aaso waxaana ku weheliyay  oo la socday Caruurtiisa iyo xaaskiisa .

Marxuumka Aaskiisa ayaa waxaa ka hadlay oo tacsi u diray siyaasiyiinta iyagoo ilaahay uga baryay in naxriistii janada uu ka waraabiyo samir iyo imaan ilaahay haka siyo eheladiisa iyo qaraabadiisa,waxay kaloo sheegaan in uu ahaa marxuumka nin cibaado badan .

Marxuumka ayaa waxaa uu kamid ahaa siyaasiyinta Somaaliland waxaana uu xilka soo qabtay dawladii Riyaale kaahin oo uu ka ahaa wasiirka gaashaandhiga  iyadoo uu markii ugu danbysay  uu kamid ahaa Xsibiga Mucaaradka ah ee UCID ,balse markii danbe khilaaf soo kala dhex galay uu ka baxay Xisibigaasi iyadoo uu khilaafkaasina ahaa in xilka laga qaado gudoomiyaha xisbiga Faysal cali waraabe .

kadib waxaa dhex gashay dacweada la wareegtay  Maxkamada iyadoo   eed dusha uga saartay isla markaan markii waxba lagu wayay  Faysal cali waraabe loo aqoon saday marka Gudoomiyaha Xisbiga taasi  isla markaana  kooxdii kasoo horjeedayna oo kamid ahaa marxuum Aad Mire waqaf loo sheegay in ay qayb ka noqdaan Xisbiga.

Alla ha u naxariistee marxuumka ayaa  maanta lagu Aasay xabaalaha Naasa hablood ee magaalada Hargaysa.

Dhamaan bahda maakhirna waxay leedahay ilaahay janadii hakaa waraabiyo Aamin.

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed