Ramtane Lamamra”waa in Amisom hub iyo diyaarado lagu tageera.
NAIROBI(MMEDIA)maxada amaanka iyo nabada midowga africa ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in Ciidamada AMISOM ee hoolgalada u jooga Dalka Soomaaliya
la siiyo taageero dheeraad ah si ee uga guuleestaan Xarakada Al-Shabaab Dagaalo kula jiraan.
Waxa warkan lagu sheegay inloga dalbanayo Qaramada MIdoobay in Ciidamo dheeraad ah si deg deg ah hool galka AMISOM loogu soo biiriyo si’ay Ciidamada AMISOM u noqdaan in kabadan 17-700 oo Askari.
Madaxa Nabad galyada iyo ammaanka Midowga Afrika
Ramtane Lamamra iyo wafdi uu hogaminayo oo hada kusugan
Magaalada New Yourk ayaa lagu wadaa in Qaramada Midoobey u
gudbiyaan go’aanadii Wadamada Midowag AFrika ku gaareen
Dalka Itoobiya ee ku aadanaa kordhinta Ciidamada AMISOM iyo
taageerida dhinaca qalabka.
Ramtane Lamamra, waxa uu sidoo kale Qaramada Midoobay ka dalbaday
in Ciidamada AMISOM laga tagaeero dhinaca Saanada Milatari sida helitaanka Hub casri
ah oo waxyeelo badan geesta iyo Diyaarado dagaal nuuca Helicopterka si ee u fududaato ka guuleesashada Al-Shabaab.
Ramtane Lamamra ayaana codsigiisa kadib lagu wadaa in
Golaha amaanka Qaramada Midoobay xubnaha kujira su’aalo ka weediiyaan dalabkooda iyo
go’aanada ee gaareen Wasiirad Gashandhiga ee Midowga Afrika
gaar ahaan kuwa Ciidamadooda hada joogaan Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaan ku hoolan taageero dheeraad ah uu
uraadinayo Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga si’ay uga gulestan Dagaalada ee kula jiraan Xarakada Al-Shababa oo
dagaal xoog badan kula jirta Ciidamada AMISOM iyo kuwa
Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Mohamed Abdulahi KhaliF(SHINE)
MAAKHIR MEDIA NETWORK
