|

ciidamadda kenya oo sheegay inay gacanta kusodhigen rag katirsan shabaab.

Afhayeenka Ciidamada booliska dalka kenya Eric kiraithe ayaa Warbaahinta Dalka Kenya u sheegay inay Gacanta ku soo
dhigeen 7 ruux oo Xiriix la leh Ururka Al Shabaab ee ka
Dagaalama Gudaha Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya ayaa intaasi ku
daray in ragaan la qabtay ay isugu jiraan Soomaali Iyo Ajaanib
oo Dhamaantood heysta Baasabuurada dadalka Yurub.

Eric kiraithe ayaa Hoosta ka xariiqay in dadkaan lagu soo qab
qabtay howgallo ay Maalmahaan wadeen ciidamada Boliiska sidoo kalena ay ku raad joogaan dad
kale oo xiriir la leh kooxda Shabaab isla markaana ku sugan
gudaha Dalka Kenya.

Sikastaba ha ahaatee Ciidamada Booliiska Kenya ayaa waxa la
galiyay heegan sare iyagoona lagu amray in ay soo qabtaan
qofkii laga shakiyo iyadoona ciidamada kenya ay mar walbo
ku howlan yihiin Xaqiijinta Amaanka Magaalooyinka Waa
weyn dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Madaxda dalka ee
Nairobi.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed