|

Shirkii Khaatuma 2 oo lagaga dhawaqay Maamul Goboleed +Daawo

Taleex-MMedia-Shirwaynihii khaatuma2 ee kasocday degmada Taleex ayaa waxaa maanta lagaga dhawaaqay Maamul Goboleed kaasi oo uu ka talin doono deegaanada Sanaag Sool iyo Cayn.

Shirkan oo ay yeelanayee beelaha Dhulbahante iyagoo ay kaga arinsanayeen ayaaha dalka iyo masiirka hortaagan Gobolada SSC kuwaasi oo ay doonayaan in ay maamul u sameeyaan.

Kulankan ayaa shalay wuxuu galay wajigiisii labaad ayadoo halkaasi ku sugan yihiin ergooyin kala gedisan oo ka kala socda beelaha Dhulbahante ee ka kala yimid gobalada Sool, Sanaag,  Cayn, gobalada kale ee dalka Soomaaliya iyo Qurbaha. Siyaasiyiintii shalay kulanka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa hogaanka SSC iyo waliba xubno uu kamid ahaa Cabdikariim Xassan Jaamac oo ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee xukuumadii hore DFKMG ee Farmaajo.

Waxaa maanta shirka lagu soo bandhigay qodobo dheeraad ah ayadoo markii ugu horeysay shirka ergada ka qeyb galeysa ay cod gacan-taag ah u qaadeen qodobka ah in maamul u gaar ah loo dhiso deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Inta badan ergada ayaa cod buuxa ku taageeray qodobadkaasi, ayadoo lagu wado maalmaha soo socda in shirkaasi lagu sii falanqeeyo hab dhismeedka maamulkaasi iyo astaamihiisa.

iyadoo maamul lagaga dhawaqay shirka taleex ayaa waxaa si aada loo hadal hayaa shirkaasi,dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay ku hanjabtay in ay talaabo ka qaadayso hadii shirka laga soo saaro wax u dhimaya Xukuumadeed iyadoo puntland ay ka aamustay,shirkan ayaa ah shir ay beelwaynta dhulbahante uga hadlayaan aayaha Gobolada Sool Sanaag iyo cayn .

Maakhir Media Taleex.

 

Comments are closed