|

SULDAAN MAXAMED Y.CABDI”faroole muusan qaban wuxuu kudabaaldago.

NAIROBI(MMEDIA) afhayeenka isiimada puntland suldaan maxamed yuusuf abdi ayaa kudhalilay maamulka madaxweynaha maamulka puntland Dr.faroole waxqabad ka intii uu talada hayey,waxana uu sheegay inusan wax uu kufaano qaban.

Suldaan maxamed yuusuf cabdi ayaa hoosta kaxariiqay inusan madaxweyne Dr. Abdirahman maxamed maxamud faroole waxweyn kaqaban dhanka arimaha bulshada, amaanka iyo isdhex galka bulshada ee puntland,ayasoo sheegay inay sadexdi sano ee lasodhafay lagu diley puntland rag siweyn ugu weyna bulshada rer puntland iyo guud ahaan soomaaliya.

“sadexdii sano ee uu talada dalka hayey waxaa kadhacay dilal arxan daro ah,waxaa dhibaato soogartey dadka rerpuntland waxaa sisharcidaro ah looxir xiray wuwadin ah,ayuu yiri suldaanka oo nagala sooxiriray dalka austria.

Asagoo hadalka siiwata ayuu afhayeenka iisimada puntland maxamed abdi yuusuf, waxaa uu sheegay inuusan qaban madaxweynaha puntland iyo maamul kiisaba waxay ugu dabaal dagaan madama ayjiraan danbiyo badan oo kadhacay puntland waxa uu sheegay inuusan qaban balan qaadkii lagu sodortay oo aykamid tahay horumarinta arimaha bulshada,cafimaadka iyo waxbarashada taasi oo lafdhabar u ahaa wixíi lagu doortay.

“puntland waxa aylabadii sano ee ugu danbeeyey soomartay marxalad aad u adag waxaana jirey kala fogaansho dhanka beelaha ah,oo xukumada puntland aysan waxweyn kaqaban taasi waxay kamid tahay fashilka uu kufadhilmay talada wadanka ayuu hadalkisa síiraciyey afhayeenka iisimada puntland.

Suldaanka oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio maakhir ayaa waxaa uu sheegay inuu layaabay hadalada iyo qudbada uu kajidinayey xaflada uu kaga qeyb galay xarunta madaxtoyada boosaaso,waxana uu suldaan maxamed abdi yuusuf sheegay inaysan ahayn midlaqaadan karo hadalka uu ugu baaqay ciidamada puntland inay joojiyan dadka ka’imanaya koonfurta soomaliya.

Hadalkaasi oo uu kutil maamay mid aysan ahayn inlagu kalafogeeyo bulshada soomaaliyeed.sikastaba madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Dr. abdiraxman maxamed maxamud (FARØOLE) ayaa xaflad uu ugu dabaal dagayey waxqabadka inta uxilka hayey waxaa ukaga dhawaqay inlaceliyo dadka ka’imanaya koonfurta soomaliya oo uku eedeyey qaswadayaal isu ekaysiinaya barakacayaal.

Suldaan maxamed Cabdi ayaa waxa uu dhanka kale sheegay inayjiraan cadaadis kaga imanaya saxaafada maamulka puntland waxaana uu ugu baaqay inay xukumada ilaaliso kalafoganshaha iyo indhagaha laga xiro dadweynaha puntland asagoona ugu baqay inay amaanka sugto dowladda ayna latimaado waxay dadka wax ugu qabanayso.

Mohamed Abdulahi Khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed