Kooxaha gacanta kuhaya shaqalahi katirsana MSF,oo lagu waramayo inay geeyen deeganka xarardhera ee gobolka mudug.
NAIROBI(Kooxaha burcad badeeda ee afduubay shaqalahi gargaarka ee ushayn nayey hay’adaha dhaqaatirta anxududa lahayne ee MSf spain ayaa waxa sheegen inay ugacan galiyeen lahays tayaashaas ururka al-shabaab.
Labadii haweenka ee katisana hay’ada Medicins Sans Frontieres (MSF) oo kooxaha burcadku sadex bilka hor ka’afduubeen xeryaha dhadhaab ee gobolka waqooyi bari kenya ayaa lagu soo waramay inay kuhaystaan deeganka xarardhere.
Labadan haweenka ee lagu kala magacabo Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra,ayaa waxa lasheegay inlageeyey deegaanka xarardhere ee gobolka mudug,waxa lasheegay inay codsadeen lacag madax furasho ah hadii kalana ayugacan galin doonan al-shabaab.
Afhayeen uhadlay burcad badeeda oo lagu magacabo xasan maxamud”afweyne ayaa sheegay inay wakhtigan kadal badeen madaxfurasho gaaraysa 400.000 oo doolar waxa uu intasi kudaray inay shabaab ugacan galin doonan haday lacagta wayan.
“Wax xirira lama lahin al-shabaab laakin tani waa ganacsi waxana lacag kaga badalanayna ururka al-shabaab ayuu intaasi kudaray afhayeenka uhadlay burcad badeeda soomaalida, oo kusugan degaankasi.
Dhawaan ayaa hay’ada dhaqaatirta ananxududa lahayn ee MSF SPAIN, waxa ayqoraal aysoosartay kaga codsatay burcada inay dib xoriyadooda ugu sooceliyaan shaqalaha oo howlgalo kawadey xeryaha dhadhaaab oo aykusugan yahin kuman qaxoonti soomaali ah.
Deegaanka xarardher iyo habyo oo intabadan xarun u ah burcad badeeda ayey kuhaystaan qarkamid ah lahaystayaasha aykasoo afduuban meelaha kaladuwan, kuwaasi oo ayku raadinayaan lacag madax furasho ah.
Sikastaba kooxaha afduubka uhaysta labada haweenka ee katirsana hay’ada MSF SPAIN, Ayaa waxa tan iyo markii la’afdubay anan la’ogayn meesha lageeyey.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network
